Su’aasha:
Maalmahaan baraha bulshada waxaa ka socotay nin sadex naagood qabo oo dhahaayo naagahayga hal guri ayay isla daganyihiin hal qolee isla seexdaan anna halkaas qolaa kula xaajoodaa.
Marka ma banaan tahay in ninka haduu xaasas badan qabo uu hal qol isla seexiyo ama uu halkaas qol kula sheeko tago ayagoo is arkaayo arintaasna diintu maxay ka qabtaa.
Jawaabta:
Mas’aladan waqti hore ayay ka hadleen culimidii islaamka, ninka ma u banaan tahay inuu xaasaskiisa hal qol seexiyo?
Marka hore waa inaan kala qaadnaa labo xaaladood:
Xaaladda koowaad: inay ku noolaadaan ninka iyo xaasaskiisa hal qol iyagoo aan galmo samaynaynin haddii ay duruuf keento wax dhib ah ma laha, seexasho caadi ah iyo ku noolaansho iyagoo aan seexanaynin hal sariir, ninkana ma samayn karo wax raaxo ah ama istiin ama galmo iyadoo midda kale ay la joogto.
Xaaladda labaad: ninka inuu xaasaskiisa markuu u tagayo oo u tago iyagoo wada jooga.
Middan waa xaaraan ninka uma bannaana xaasaskiisa inuu hal qol kula raaxaysto taas waxay keenaysaa inay is arkaan iyagoo falka galmada ku jura, taasna waa la xarrimay, waayo cowrada naagta ayaa midda kale arkayso ama waxay arkaysaa loo galmoonayo, taasna waxay khilaafsan tahay xishoodka ay diintu dadka fartay, rasuulka (SCW) wuxuu yiri:
(…والْحَياءُ شُعْبَةٌ مِنَ الإيمانِ).
(…Xishoodka waa iimaanka qayb ka mid ah)
Muslin ayaa wariyay
wuxuu kaloo yiri rasuulka (SCW):
(لا ينظُر الرَّجل إلى عوْرة الرَّجل، ولا المرأة إلى عوْرة المرْأة، ولا يُفْضِي الرَّجل إلى الرَّجل في ثوب واحد، ولا تُفضي المرأة إلى المرأة في الثَّوب الواحد).
(Yuuna eegin ninka cowrada ninka kale, yaysan eegin haweeneyda cowrada haweeneyda kale, yuuna ninka la galin nin kale hal maro, haweeneydana yaysan la galin haweeneyda kale hal maro).
Muslim iyo Tirmithi ayaa wariyay
Imaam Nawawi wuxuu yiri: “xadiiskan waxaa laga qaadanayaa inay xaaraan taay nin inuu fiiriyo nin kale caowradiisa naagtana inay fiiriso naag kale cowradeeda taasna khilaaf kama taagna“.
Wuxuu yiri ibnu Qudaama:
“وَإِنْ رَضِيَتَا بِأَنْ يُجَامِعَ وَاحِدَةً بِحَيْثُ تَرَاهُ الْأُخْرَى، لَمْ يَجُزْ؛ لِأَنَّ فِيهِ دَنَاءَةً وَسُخْفًا وَسُقُوطَ مُرُوءَةٍ، فَلَمْ يُبَحْ بِرِضَاهُمَا”.