Nin lacag igu leh oo aan waayay maxaan ku sameeyaa

Nin lacag igu leh oo aan waayay maxaan ku sameeyaa

Su’aasha:

Walaal muddo laga joogo 11 sano ayaa waxaan dhigan jiray private lagu barto computer ka, bishii ugu danbaysay ee aanu ku qalin jabinaynay macalinka maan siinin fee giisii, sidaan kolba is kulahaa waad siindoontaa wakhti ayaa kasoo wareegay muddo kadib waxaan ogaaday in macalinkii private kii uu iska xidhay meel aan ugu hagaagana waan garanwaayay imikana 11 sano ayaa laga joogaa warna uma hayo meel uu kusuganyahay marka maxaa xal ah lacagtiisaa uu xaqqa iiguleeyahay inaan isku gudo ayaan rabay lkn gaabis dhankayga kayimid ayay iigu suurtogaliwayday! Maxan sameeyaa.

Nin lacag igu leh oo aan waayay maxaan sameeyaa
Nin lacag igu leh oo aan waayay maxaan sameeyaa

Jawaabta:

Walaal lacagta u sii haay qofkaas maxaayeelay dhimasho kuma ogid haddii la dhihi lahaa isaga lama heli karo markaas waa loo sadaqayn lahaa, laakin maadaama aan geeri lagu ogeyn lacagta iska haay haddii aad hesho isaga waa u diraysaa haddii uu dhintayna dadka dhaxlayo ayaad ku wareejinaysaa, haddii laga quusto inuu nool yahay dadkii dhaxli lahaana aan la heli karin markaas ayaad u sadaqaynaysaa.

Waxaa jira xadiiskii sedexdii nin reer banuu israa’iil oo dhagaxa ku daboolmayay waxaa ku jiray nin u shaqynayay qof wuxuu uga tagay lacagta xaqiisa ahayd ee shaqada, kadib lacagtaas maalgalin ayuu ku sameeyay oo xoolo badan dhashay markaas ninkii ayaa u yimid muddo kadib wuxuu ku yiri: lacagtayda i sii ninkii loo shaqaynayay wuxuu yiri: xoolahan oo dhan adaa iska leh ninkii wuu yaabay wuxuu yiri ha igu jeesjeesin wuxuu kuguma jeesjeesayo xoolahan oo dhan waxaan ka dhaliyay lacagtaada kaddib ninkii wuu kaxaystay xoolaha oo dhan. Naska xadiiska waakan oo dhammaytiran waxaana wariyay Bukhaari:

(عن ابن عمر – رضي الله عنهما – قال: سَمِعْتُ رَسولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ يقولُ: انْطَلَقَ ثَلَاثَةُ رَهْطٍ مِمَّنْ كانَ قَبْلَكُمْ حتَّى أوَوُا المَبِيتَ إلى غَارٍ، فَدَخَلُوهُ فَانْحَدَرَتْ صَخْرَةٌ مِنَ الجَبَلِ، فَسَدَّتْ عليهمُ الغَارَ، فَقالوا: إنَّه لا يُنْجِيكُمْ مِن هذِه الصَّخْرَةِ إلَّا أنْ تَدْعُوا اللَّهَ بصَالِحِ أعْمَالِكُمْ، فَقالَ رَجُلٌ منهمْ: اللَّهُمَّ كانَ لي أبَوَانِ شَيخَانِ كَبِيرَانِ، وكُنْتُ لا أَغْبِقُ قَبْلَهُما أهْلًا ولَا مَالًا، فَنَأَى بي في طَلَبِ شَيءٍ يَوْمًا، فَلَمْ أُرِحْ عليهما حتَّى نَامَا، فَحَلَبْتُ لهما غَبُوقَهُمَا، فَوَجَدْتُهُما نَائِمَيْنِ وكَرِهْتُ أنْ أَغْبِقَ قَبْلَهُما أهْلًا أوْ مَالًا، فَلَبِثْتُ والقَدَحُ علَى يَدَيَّ، أنْتَظِرُ اسْتِيقَاظَهُما حتَّى بَرَقَ الفَجْرُ، فَاسْتَيْقَظَا، فَشَرِبَا غَبُوقَهُمَا، اللَّهُمَّ إنْ كُنْتُ فَعَلْتُ ذلكَ ابْتِغَاءَ وجْهِكَ، فَفَرِّجْ عَنَّا ما نَحْنُ فيه مِن هذِه الصَّخْرَةِ. فَانْفَرَجَتْ شيئًا لا يَسْتَطِيعُونَ الخُرُوجَ. قالَ النَّبيُّ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ: وقالَ الآخَرُ: اللَّهُمَّ كَانَتْ لي بنْتُ عَمٍّ، كَانَتْ أحَبَّ النَّاسِ إلَيَّ، فأرَدْتُهَا عن نَفْسِهَا، فَامْتَنَعَتْ مِنِّي حتَّى ألَمَّتْ بهَا سَنَةٌ مِنَ السِّنِينَ، فَجَاءَتْنِي، فأعْطَيْتُهَا عِشْرِينَ ومِئَةَ دِينَارٍ علَى أنْ تُخَلِّيَ بَيْنِي وبيْنَ نَفْسِهَا، فَفَعَلَتْ، حتَّى إذَا قَدَرْتُ عَلَيْهَا، قالَتْ: لا أُحِلُّ لكَ أنْ تَفُضَّ الخَاتَمَ إلَّا بحَقِّهِ، فَتَحَرَّجْتُ مِنَ الوُقُوعِ عَلَيْهَا، فَانْصَرَفْتُ عَنْهَا وهي أحَبُّ النَّاسِ إلَيَّ، وتَرَكْتُ الذَّهَبَ الَّذي أعْطَيْتُهَا، اللَّهُمَّ إنْ كُنْتُ فَعَلْتُ ابْتِغَاءَ وجْهِكَ، فَافْرُجْ عَنَّا ما نَحْنُ فِيهِ. فَانْفَرَجَتِ الصَّخْرَةُ، غيرَ أنَّهُمْ لا يَسْتَطِيعُونَ الخُرُوجَ منها. قالَ النَّبيُّ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ: وقالَ الثَّالِثُ: اللَّهُمَّ إنِّي اسْتَأْجَرْتُ أُجَرَاءَ، فأعْطَيْتُهُمْ أجْرَهُمْ غيرَ رَجُلٍ واحِدٍ تَرَكَ الَّذي له وذَهَبَ، فَثَمَّرْتُ أجْرَهُ حتَّى كَثُرَتْ منه الأمْوَالُ، فَجَاءَنِي بَعْدَ حِينٍ فَقالَ: يا عَبْدَ اللَّهِ، أدِّ إلَيَّ أجْرِي، فَقُلتُ له: كُلُّ ما تَرَى مِن أجْرِكَ مِنَ الإبِلِ والبَقَرِ والغَنَمِ والرَّقِيقِ، فَقالَ: يا عَبْدَ اللَّهِ، لا تَسْتَهْزِئُ بي! فَقُلتُ: إنِّي لا أسْتَهْزِئُ بكَ، فأخَذَهُ كُلَّهُ، فَاسْتَاقَهُ، فَلَمْ يَتْرُكْ منه شيئًا، اللَّهُمَّ فإنْ كُنْتُ فَعَلْتُ ذلكَ ابْتِغَاءَ وجْهِكَ، فَافْرُجْ عَنَّا ما نَحْنُ فِيهِ. فَانْفَرَجَتِ الصَّخْرَةُ، فَخَرَجُوا يَمْشُونَ).

Riyada adeer iyo aabbe oo lacag aan u tuuri rabo

You might also like
1 Comment
  1. Adigoo WhatsApp online ka ah sidee hal qof looga xirtaa online kaaga
    Armaan says

    Haye wll jazaakallahu khayr

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More