Site icon Daruur درور

Nin iyo naag isla dhashay ayagoon is aqoon hadey guur wadaagaan

Su’aasha:

Waxaan ku weydiinaa hadii laba walaalo ah is guursadan ayagoon iska war heynin ilmana iska dhalaan shareecadu maxay ka qabtaa guurkooda ma sii wadan karaan ilmaha ay iska dhalaana xalaal mala dhihi karaa

Nin iyo naag isla dhashay ayagoon is aqoon hadey guur wadaagaan
Nin iyo naag isla dhashay ayagoon is aqoon hadey guur wadaagaan

Jawaabta:

Waa xaaraan guurka walaasha taasna laykma khilaafsana, laakin hadday si qalad ku dhaco oo la ogaado waa la kala furaa nikaaxana waa baadi iyagana wax dimbi ah kuma laha guurkaas iyo wixii ka dhashayba, maxaayeelay arrintaas maysan ogeyn.
Marka ilmaha ka dhashay aan usoo laabano waa ilmo xalaal ah iyagaana loo tiirinayaa lama dhihi karo waa ilmo garac ah maxaayeelay waxay ku dhasheen wax la dhaho نكاح الشبهة nikaaxa shubhada oo laga wado nikaax si qalad ku dhacay, marka iyaga uma qasdin umana bareerin nikaaxaas wixii qalad noocaas ah ka dhasho qofka dambi kuma laha,  waxaana daliid u ah aayadda:

﴿رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِنْ نَسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا﴾

( Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno)

Exit mobile version