Nin dumaashidiisa uureeyay qiso dhab ah cunuga maxa lagu sameya

Nin dumaashidiisa uureeyay qiso dhab ah cunuga maxa lagu sameya

Su’aasha:

Bahada Daruur ad ban idinkaga mahanaqaya howsha weyn ad ino haysan waxan raba qiso dhacday inan idin la wadago taso ah  gabar agoon ah  oo da’ yar aya la noleed walasheda ka weyn oo nin qaba gabadha waxay kula noleyd reerka mudo ayay la noleed marka waxa dhacday gabadhii yarad ayaa uur lagu arkay markaas ayay tiri dumaashigayga aya igu sameeyay sidan gabadha ad bay u yarad waxa ay jirtay 16 sano marka ninkii soomaali ayuu ka cararay wuxuu galay yurub marka u fadeexoobay marka waxa su’aal iga ah ilmaha ay dhashay gabadhaas maxaa la dhihi karaa teeda kale walasheeda maka furmaysaa oo dinta maxay ka qabtaa ninka u galmooda xaaska walasheda ama dumaashiisa sinada ma kala dambi badan tahay mahadsanidiin.

Nin dumaashidiisa uureeyay qiso dhab ah cunuga maxa lagu sameya
Nin dumaashidiisa uureeyay qiso dhab ah cunuga maxa lagu sameya

Jawaabta:

Qofkaas wuxuu galay dambi aad u weyn, dambiga sinada asoo markii horeba ahaa dambi kabaa’irta ka mid ah hadana waxaa sii weyneeyay sinada walaasha xaaska.

Diinta islaamka waxay xarimtay in labo walaalo guur lagu kulmiyo, taasna Quraanka Kariimka ayaa sheegay, Alle wuxuu yiri markii laga hadlayay dumarka xaaraanta ah aan la guursan karin:

(وَأَنْ تَجْمَعُوا بَيْنَ الْأُخْتَيْنِ)

(Inaad jamcisaan labo walaalo) (Waa xaaraan)

Laakin sinada miyay la mid tahay oo ninka haduu ka sinaysto xaaskiisa walaasheeda ama dumaahisiisa miyay xaaraan ka noqonaysaa?.

Culimada badankooda waxay qabaan in sinada aysan xaaraan ka dhigaynin xaaska oo sinada aysan la mid ahayn nikaaxa, qaarna waxay qabaan inay xaaraan ka noqonayso ilaa ay naagtaas sedex jeer dhiiga caadada ka dhaqato hadday uur qaadana ilaa uurka ay ka dhasho, taas oo la macne ah ilaa muddada cidadeeda xaaskiisa ma taaban karo, laakin waxaa badan culimada yiri sinada nikaaxa xalaasha ah ma xarimi karto.

Marka aan usoo laabano uurka ka dhashay sinada, ilmahaas looma tiirin karo ninkaas magaciisana ma qaadan karaan waa ilmo ninkaax aan ku dhalanin.

Taas waa xukunka diinta ay ka qabto, marka aan u gudubo bulshada dhibka noocaas ah waxa u keena oo umada dhexdeeda ka dhex faafay in xaaraanta sahal laga dhigto, sidoo kale in gabadha aysan iska ilaalinin raga in lays dhexgalo, waxaa la rabaa in la raaco aadaabta islaamka uu dadka faray, dumarka caadi ahaan way iska fududeystaan ninka reerkooda ka guursaday wasay u muuqato sheekada noocaan ah, gabadha inay kasoo qaaday dumaashigeeda sida walaalkeeda oo kale waxaa laga yaabaa in walaasha guriga ay uga tagi jirtay ninkeeda iyo walaasheeda maysan is dhahaynin qalad baa ka imaan kara, nin iyo naag marka guri cidla ah looga tago waa sida bansiin iyo dab hal meel laysugu keenay, inaga in badan waso aragnay xaalada keenay sino oo ka dhashay fududaysiga khalwada iyo isdhexgalka raga iyo dumarka.

Waliba hadda waxaa jira shayaadiin ku dhiiragaliya dhalinyarada inay u qurxiyaan sinada qaraabada ama ay tusaan xumaan keeni karta ninka inuu ku dhaco gabar qaraabadiisa sida walaashiisa ama habaryartiisa ama eedadiisa, waxaasoo dhan wuxuu ka dhashaa qaladaadka aan soo sheegnay.

Sinada marka ay diinta reebaysay waxay fartay in aan loo dhowaanin taas waxay ka dhigan tahay in dhamaan wixii keeni kara oo dhan laga dheeraado si qofka uu uga badbaado dambiga zinada.

Teeda kale gabadha marka walaasheeda la guursado ma aha inay mar kasta dhex joogto guriga walaasheeda oo ay ka dhigato dumaashigeeda sida walaalkeeda oo kale agtiisa ay dhar caadi ay ku qaadato ama agtiisa ay isku qurxiso ama sheeko ay la gasho falalkaas waxay dumin karaan guriga walaasheeda ceeb iyo fadeexo ayayna soo jiidi karaan reerka iyo qaraabada oo dhan.

Qofkii sexy daawado ee ku siigeysta ma zinada ayay la mid tahay

إذا زنى الرجل مع أخت زوجته أو حماته فهل يصبحن حراما عليه؟ ذهب أكثر العلماء إلى أن الزنا لا يحرم الزواج والزنا ليس كالزواج، ويرى البعض أنه يحرم حتى تغسل المرأة دم الحيض ثلاث مرات إذا حملت حتى يولد الحمل. أي حتى لا يستطيع أن يمس زوجته طوال مدة زواجها، لكن كثير من العلماء قالوا إن الزنا لا يحرم في الزواج الحلال. عندما نعود إلى الحمل المولود من الزنا، لا يمكن الوثوق بهذا الطفل ولا يمكنهم أن يأخذوا اسم ذلك الرجل. وهذا هو حكم الدين، عندما أذهب إلى المجتمع يحدث مثل هذه المشاكل وانتشرت بين الأمة لتسهيل التحريم، كما أن الفتاة لا ينبغي أن تحمي نفسها من الرجال، فالواجب اتباع الشرع.
لقد أوصى الإسلام الناس، عادة ما تتسامح المرأة مع الرجل الذي تزوج من أهلها. يبدو أن هذا النوع من القصص، تم أخذ الفتاة من أخت زوجها مثل أخيها. يمكن أن يأتي، عندما إن ترك رجل وامرأة في منزل خال، يشبه جلب البنزين والنار إلى مكان واحد. وحتى الآن هناك شياطين يشجعون الشباب على تجميل زنا أقاربهم أو إظهارهم بالشر الذي يمكن أن يجعل الرجل يقع في حب فتاة من أقاربه مثل أخته أو خالته أو خالته. ولما حرم الزنا أمر الدين بعدم الاقتراب منه. ومن ناحية أخرى، عندما تتزوج الفتاة، فلا ينبغي للأخت البقاء في منزل أختها طوال الوقت، وجعل صهرها مثل أخيها، فقد يجلبون الفضيحة لجميع أفراد الأسرة والأقارب.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More