Wiil diyaano marsaday oo ka shallaynaya

Su’aasha:

Asc wll ayaan dhexdaas 2019 ayaa waxaan sameeyey wll kay iga wayn ayaa ku qasbay inuu is qurxiyo yacni diyaano uu mar sado wlahi wllkay nin ka adag wligay ma arag lkn halkaas ayaan kasoo maray
wuu is cadeeyey halsano iyo bar ayuu waday lkn hada ayuu oo hin lataagan yahay waa i qatishay caloosha waa madow bood yaha xoogaa waa madow gacmaha kuwa sare xoogaa maa dow maxaa lagu soo celin karaa mise waa in diyaanadii dib loogu celiyaa mise waa nacaawin kartaa wlahi dad ma dhex gali karo noloshiida dhan way xumaatay wll please na caawi ilaahag kugu dhaarshay wlashaa ayaan ahay wll kay ii badbaadi wax walba ayuu u samayn karaa waa dadkaan fud fudud 😭😭😭.

Nin diyaano marsaday oo ka shallaynaya
Nin diyaano marsaday oo ka shallaynaya

Jawaabta:

Marka hore inuu qofka marsado daawada laysku cadeeyo waa qalad weyn oo foolxun, midabka jirka madow wax xun ma aha, ceebna ma aha, dadka midabka way ku kala duwan yihiin.

Waxaan kula talin lahaa inuu u tago dhakhtar quruxda iyo maqaarka ku takhasusay si uu u eego midabkiisa siduu u midayn lahaa oo uu ugu soo celin lahaa qaabkuu ahaa mar hore.

Haddii uu marsado diyaano meelaha kale sida caloosha iyo dhabarka iyo cajiraha waxaa laga yaabaa inuu dhibka sii kordho, dhakhtarka marka uu arko jirka walalaakaaga asaa go’aan ka gaaraya oo munaasib ku ah jirkiisa.

Kareemka jirka lagu caddeeyo dhib ma leeyahay

First of all, applying bleaching agents to a person is a big and ugly mistake. Dark skin color is not bad, nor is it a shame. People have different skin colors.
I would advise him to go to a doctor who specializes in beauty and skin to see how he can even out his skin color and restore it to its original state.
If he applies bleach to other areas such as the stomach, back, and armpits, the problem may worsen. When the doctor sees your brother’s body, he will make a decision that is appropriate for his body.

Leave a Reply