Site icon Daruur درور

Nin balwad leh ma guursan karaa

Su’aasha:

waxaa isoo doontay nin balwada leh oo sigaarka iyo qaadka cunta familkeyga way ila rabaan laakin aniga kuma qanacsani sideen yeelaa maxaad igula talin lahaydeen ee ii sheega malaga yaabaa inuu mustaqablka tooso oo uu iska daayo sida ay walaalahayga qaar leeyihiin.

Nin balwad leh ma guursan karaa
Nin balwad leh ma guursan karaa

Jawaabta:

Nin balwad leh mustaqbal ma laha waayo wax kaste waxaa ugu muhimsan balwaddiisa, sigaar ha haado qaad ha ahaado ama khamri ha ahaato, lacag kaste uu helo balwadda ayuu galiyaa, waxaa laga yaabaa asoo gaajo hayso inuu lacgta balwad ku bixiyo, teeda kale nin sigaar cabbayo urka afkiisa sideed u xamili kartaa, waayo ninkaaga ayuu noqonayaa oo aad isla seexan doontaan marka nadaafadda afka ninka iyo naagta xaggooda waa muhim, teeda kale ninka balwadda leh waa nin musrif ah oo lacgta gubaya ninka noocaas ah isagaaba dambi ku jiro nin dambi ku jiro miyaad dambiga la wadaagaysaa, marka ka fogow nin balwad leh inaad guursato.

Exit mobile version