Site icon Daruur درور

Nin ayaan Facebook ka guursaday sidan ayuu ii galayaa

Su’aasha:

Aniga waxan rabaa ina iga caawisan wixii talo wanagsan naftadana kula talin lahed waxan ahay gabar 21 jir waxan xirir na dhex maray wiil an iska baranay faceboka 2014 waxana is guursaney sanadkii hore 2020 hada waxan is qabna sanad wali ma anan kulminn guurena kahor nolol faraxd ayan daremi jire laakiin hada waxay ila tahay inu is badalay daweacad ahanba mararka qaar waxan ku fikira riyada 6da sana laha in an dilo asigana iska furo hadana qallbiga ayan iska dhaha ha samenin sidas u dulqado asigaba wu ku dulqadan jire ma aqan waxan sameyo mar waxa i qabato inta Aabo u shego ina dhaho haleyga furo asiga dhana amaansiyo ma aqan waxan sameyo aniga waxan radiya wadadii an ku kulmi lahen balsa asiga wuxu radiya dhib iyo xuman.

Nin ayaan Facebook ka guursaday sidan ayuu ii galayaa
Nin ayaan Facebook ka guursaday sidan ayuu ii galayaa

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa adduunka inuu yahay imtaxaan, ma jiro qof ay u dhammaystiran tahay, haddii ninkan uu daacad yahay waxaa ila habboon inaad u sabarto aad sugto maadaama adiga aad dooratay, haddaad is leedahay ninkan daacad ma aha, waxaa kuu fiicaan inaadan waqti ku dhuminin, adduunka nin la’aan ma jirto, qofka daacadda ah waxaa lagu gartaa daryeel iyo xilkasnimo iyo tixgalin iyo qiimayn, iyo inuu ka fikiro mustaqbalkiina laakin qofka marka uu weji kale lasoo baxo oo uu si kale u dhaqmo markaas waxaa laga dareemayaa inuusan daacad ahayn.

Teeda kale ninka iyo xaaskiisa waxaa habboon inay isla joogaan oo aysan kala fogeyn, waayo kala fogaanshaha wuxuu abuuraa kalsoonidarro iyo shaki.

Marka aniga waxaan ku dhihi lahaa jaanis fiican sii una dulqaado ilaa uu ka caddaysto inuusan daacad kuu ahayn.

Exit mobile version