Naftu maxay xumaha u jeceshahay

Su’aasha:

Walal thanks suaal ayan raba inan ku waydiyo
Naftu maxay xumaha u jeceshahay.

Naftu maxay xumaha u jeceshahay
Naftu maxay xumaha u jeceshahay

Jawaabta:

Nafta shahwada ayaa waddo sidoo kale shaydaanka wuu ku caawiyaa, marka qofka labo dhinac ayaa lagaa soo galayaa xagga nafta iyo xagga shaydaanka, marka waxaad arkaysaa aadanaha oo raba inuu xumaanta ku degdego, laakin marka qofka shaydaanka iska dheereeyo oo uu laasimo quraanka iyo cibaadada Alle, naftiisa way ka fududaanaysaa inay xumaanta u cararto, marka ogow xumaanta shaydaanka ayaa qurxiya sidaa awgeed naftu way jeceshay, wanaaggana shaydaanka wuu kaa qarinayaa maxaayeelay ajar ayaa laga helayaa, marka shaydaanka wuxuu naftiisa  ku faradyeelay inuu insaanka luminayo wax kaste kasoo reebayo oo faa’ido ugu jirto wixii naar geyn kara u sahlayo, marka sheekada shaydaanka ayay la xiriirtaa iyo shahwada.

Guud ahaan nafta wax badan ayaa loo qurxiyay waana imtaxaan wuxuu yiri Alle:

(زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ الشَّهَوَاتِ مِنَ النِّسَاءِ وَالْبَنِينَ وَالْقَنَاطِيرِ الْمُقَنطَرَةِ مِنَ الذَّهَبِ وَالْفِضَّةِ وَالْخَيْلِ الْمُسَوَّمَةِ وَالْأَنْعَامِ وَالْحَرْثِ ۗ ذَٰلِكَ مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَاللَّهُ عِندَهُ حُسْنُ الْمَآبِ) ‎

(Waxaa loo qurxiyey Dadka Jacaylka waxa Naftu doonto oo ah haween, Wiilal iyo wax badan oo laban laaban oo Dahab iyo qalin ah, iyo Fardo laylyan oo darban, iyo Ancaamta (Xoolaha nool) iyo Beeraha, arrintaasna waa raaxada Nolosha Aduun, Eebe agtiisaana noqosho wanaagsan leh). rd

.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More