Site icon Daruur درور

Nabraha dhabarka sababaha keena iyo daaweynta

Su’aasha:

Nabra kuusan aya dabarka iga so baxen 6xabo, af malahan nabraha qanjir ahan waye, maxa i keeni kara, dawada na wa maxey.

Nabraha dhabarka sababaha keena iyo daaweynta
Nabraha dhabarka sababaha keena iyo daaweynta

Jawaabta:

Sababao badan ayaa keeni kara nambraha dhabarka kasoo yaaca, waxaa ka mid ah 1- isbadallada hormoonada jirka marka qofka uusoo qaangaarayo.

2- sababo dhaxal ah.

3- jirka oo soo daayo dufin.

4- qofka oo si xad-dhaaf ah u cuna baruur ama dufin.

5- dhar ciriiri inuu qaato markaas qorraxda ay xoog ugu dhacdo, sababahaas iyo kuwo kale aanan sheegin ayaa keeni kara nabraha dhabarka.
Daawada waxay u noqonaysaa sababka marka la ogaado waxaana qofka ku habboon inuu dhakhtar u tago si loogu qoro daawada ku habboon.
Laakin waxaa jira qaabab laysaga ilaaliyo waxaa ka mid ah qofka inuu iska ilaaliyo cuntada dufinta badan, iyo inuu qaato dhar waasac ah gaar ahaan xiliga kulaylka iyo inuu ku dadaalo nadaafadda iyo inuu iska ilaaliyo qorraxda, sidoo kale inuu biyo badan cabbo, sidoo kale inuusan nabraha gacanta ku taabanin si meel kale aysan ugasoo bixin.

Exit mobile version