Site icon Daruur درور

Naasaha dhacay sababta keento iyo xalka iyo daawada

Naasaha dhacay sababta keento iyo xalka iyo daawada

Su’aasha:

scw bahda daruur wan idin salamay aad ban ugu farasanahay webkan qimaha badan oo aan ka faa’ideysto oon maalin kaste soo galo, su’aal ayan qabaa oo ah naasaha dhacay maxaa lagu adkeyn karaa sababta keenta naaska gabadha inuu dhaco waa maxay cunto ma jirtaa naaska dhacay lagu daaweyn karo sidoo kale dareen ma siin karaa nika hadduu taabto naska aan taagnayn ama an adkayn su’alaha iiga so jawaba idinkoo mahadsan.

Naasaha dhacay sababta keento iyo xalka iyo daawada
Naasaha dhacay sababta keento iyo xalka iyo daawada

Jawaabta:

Guud ahaan abuurka Alle dumarka way ku kala duwan yihiin iyo sida uu yahay jirka haweenka, naago waxaa jira iyagoo caruur dhalay oon naaska ka dhicin qaarna waxaad arkaysaa iyagoon wali la guursanin oo naaskooda dhacay.

Marka dhakhaatiirta waxay sheegaan naaska inay ridaan sababo badan waxaa ugu muhimsan kuwa soo socda:

1- naagta inay mar kaste xirnaato rajastiino xataa markay guriga joogto ama xataa ay jiifto, taas waxay keenaysaa naasaha inay maantoo dhan majuujisnaadaan marka taas waxay keenaysaa inuu maqaar noqdooo  jilco.
2- inaysan gabadha biyo badan cabbin, taas waxay keenaysaa jirka inuu noqdo qalayl marka waxaa ka dhalanaya balaq inay noqdaan labda candho.
3- Sigaarka, waxaa la sheegaa dumarka sigaarka cabba inay naashooda jilcaan oo ay maqaar noqdaan.
4- naagta iyadoo buuran inay si kadis ku caatowdo taas iyadana naasaheeda ayay saamaynaysaa.
5- gabadha inay caloosha ku seexato, naasihii ayaa diismaya taas oo keenayso inuu noqdo balaq.

6- uurka iyo dhalmada kaalin weyn ayay ka cayaaraan inay baddalaan qaabka naaska haweeneyda.
7- Sidoo kale cuntada iyadana way saamaynaysaa iyo vitaminada jirka.

Waxaa lagu daaweyn karaa jimciga iyo inaad ka dheeraato sababaha keenaya dhicitaanka siiba kuwa la xiriira dhaqanka labsika iyo cuntada.
Teeda kale ninka wuxuu ku raaxaystaa naaska markuu adag yahay waayo quruxda iyo qaabka ayaa soo jiita.

Waxaa kaloo mudan in la xuso naagaha badankooda waxay sheegaan in nuugmada ay naasaha riddo sababahan qof sheegaya ma arkaysid nuugmada waxaa ka daran sababahan.

Yaraanta Naasaha Iyo Sida Lagu Weyneeyo

Waxyaabahan soo socda gabadha hadday cunto naasaheeda way weynaanayaan waxaa ugu muhiimsan waxyaabahan:

1- حليب الصويا
2- المكسرات
3- لبن البقرة
4- البابايا
5- الخضروات الورقية
6- المأكولات البحرية
7- بذور الكتان
8- الفواكه

1- Caanaha Suuyada (waxaa laga lisaa digirta suuyada la dhaho)  (soybean, soy bean, or soya bean )

2- Miraha looska iyo yicibta nooyadeeda kala duwan, (nuts)

3- Caanaha lo’da.

4- Babaayga.

5- Qudaarta caleeta ah. (sida ansalaatada, bagalka, koblaha iwm.)

6- Cuntada badda (kaluunka iwm.)

7- Miraha geedka kataanka. (Flax ama linseed)

8- Furuutiska. (Tufaaxa, qaraha, cambaha, iwm.)

Exit mobile version