Naagta meherkeeda maka dhigi kartaa ninka xubinkiisa taranka

Su’aasha:

Waxaan baraha bulshada ku arkay naag meherkeeda ka dhigatay ninka ghursanaayo xubinkiisa taranka inuusan naag iyasa aan ahayn uusan u isticmaalin marka meherkaaso kale ansax ma nqonaa.

Naagta meherkeeda maka dhigi kartaa ninka xubinkiisa taranka
Naagta meherkeeda maka dhigi kartaa ninka xubinkiisa taranka

Jawaabta:

Geedka ninka ma noqon karo meher maxaayeelay jirkiisa ayuu ka mid yahay laakin mas’aladan waxaa loo yaqaanaa shardiga inuusan ninka naag kale la guursanin marka uu naagta mehersanayo, culimada waxay isugu khilaafeen sedex aragti:
Aragtida koowaad: ninka hadduu ka ogolaado naagta shardigaas waa inuu oofiyaa maadaama naag kale inuu guursado ay tahay wax mubaax ah, haddii uu ballanka ka baxo oo uu guursado naagtiisa hore kama furmayso hadday rabto sidaas ayay ku raacaysaa haddii kale furiin ayay dalbanaysaa, waxayna daliilsadeen xadiiska Cuqba bin Caamir (RC) inuu yiri rasuulka (SCW) :

(إن أحق الشروط أن يوفى به ما استحللتم به الفروج)

(shuruudaha ugu xaqnima badan in la oofiyo waa kuwa aad ku xalaalaysateen farjiga)

iyo xaiiska oranaya :

(المسلمون على شروطهم)

(Muslimiinta waxay ku taagan yihiin shuruudahooda)

Aragtida labaad: haddii ninka uu khilaafo shardiga oo uu naag kale guursado way ka furmaysaa.
Aragtida sedexaad: shardiga noocaas ah ninka inuu fuliyo ma aha waana shardi baadil ah aan qiime loo yeelaynin naagtiisa horana kama furmayso, waxay daliilsadeen dadkan in shardigan uu khilaafsan yahay kitaabka Ilaahay oo banneeyay naag kale ninka inuu guursan karo waxay daliilsadeen aayado iyo xadiis:

 

(فَانكِحُوا مَا طَابَ لَكُمْ مِنَ النِّسَاءِ مَثْنَى وَثُلاثَ وَرُبَاعَ)

(guursada wixii idin la fiicnaado ee haweenka labo iyo sedex iyo afar)

iyo xadiiska oranaya:

(ما بالُ أقوامٍ يشترطون شروطًا ليست في كتابِ اللهِ ؟ من اشترطَ َشرطًا ليس في كتابِ اللهِ فهو باطلٌ ، وإن كانَ مائةَ شرطٍ ، كتابُ اللهِ أحقُ وشرطُ اللهِ أوثقُ)

(Maxaa ku dhacay dadka dejinaya shuruudo aan ku sugnayn kitaabka Alle? qofkii keeno shardi aan ku sugnayn kitaabka Alle waa baadil xataa hadday boqolaal shardi yihiin, kitaabka Alle ayaa ka xaqnimo badan shardiga Alle ayaana ka adag)

Marka mas’alada fiqhi ahaan waa sidaas waxaana xoog badan in naagta aysan shardi uga dhigi karin ninka inuusan naag kale guursanaynin hadduu ka ogolaadana shardigaas waa baadil haddii meher aan loo magacaabin oo arintaas meher laga dhigana waxay qaadanaysaa meher iyada u qalbo waxaana la eegaayaa dadka qaraabadeeda meherka la siiyay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More