Site icon Daruur درور

Naagta meesha laga rabo inay dhaqdo xiliga istinjada

Naagta meesha laga rabo inay dhaqdo xiliga istinjada

Su’aasha:

scw walaal waxan rabaa inaad iga jawaabtaan su’aal aan ka qabo istinjada gabdhaha la xirirto gudaha farjiga iyo banaanka farjiga maxaa loola jeedaa marka culimada diinta ay sheegayan intee laga rabaa gabadha inay dhaqdo, teeda kale qoyaanka caadiga farjiga nijaaso miya.

Naagta meesha laga rabo inay dhaqdo xiliga istinjada
Naagta meesha laga rabo inay dhaqdo xiliga istinjada

Jawaabta:

Gabadha farjiga meesha ay ka dhaqayso waa meesha kasoo muuqanayso markay kadaloob u fariisato waxaa soo galaya labada faruur waaweyn iyo kuwa yaryar banaankooda, marka gabar bikro ay tahay intaas kaliya ayaana kasoo muuqata duleelka farjiga wax yar ayuu ka furan yahay inta badan oo xataa farta aan galin.
Haddii ay tahay naag furan aan bikro ahayn sidoo kale waxay dhaqaysaa inta soo muuqata markay ay kadaloobsato, gudaha inay dhaqdo ma aha, hadday sii raacraacdo waswaas ayay u keenaysaa arintaas waxaa laga yaabaa waliba gudaha inuu ku jiro dhacaan jiijiidmaya oo aan dhaqmaynin gacanta ku dhegdhegaya.
wuxuu yiri Sh Zakiya Alansaari oo ka mid ah fuqahada shaaficiyada:

 

(ويكفي المرأة) بكراً، أو ثيباً في استنجائها بالماء (غسل ما يظهر) منها (بجلوس على القدمين)

(naagta waxaa ku filan) bikro ama naag furan ha ahaatee markay biyo ku istinjoonayso (inay dhaqdo waxa ka muuqanaya ) (markay ku fariisato cagaheeda)

Qoyaanka fajiga haweenka nijaaso ma aha.

 

Waa maxay magaca qanjirka madyida soo daaya

Exit mobile version