Site icon Daruur درور

Naag ninkeeda qancin waayay furiin ma dalban kartaa

Naag ninkeeda qancin waayay furiin ma dalban kartaa

Su’aasha:

Asc
Gabar la qabo caruur badana leh
Hadi ninka qancin waayo isbadalna laga waayo
gabadhaas ma u banantahay iney furiin dalbato
FG xaqa Aabanimo si fcn ayu u gutaa dhibka waa xirirka ninka iyo naaagta ka dhexeeyo dhinac wlba
FURIIN MA DALBAN KARTAA?

Naag ninkeeda qancin waayay furiin ma dalban kartaa
Naag ninkeeda qancin waayay furiin ma dalban kartaa

Jawaabta:

Haddii ay ilmahaas u sabri karto oo ay nafteeda ka adkaan karto waxaa fiican inay ilmahaas u sabarto oo ninka ilmaha dartooda ay kula joogto, maxaayeelay furiinka wuxuu saameys ku yeelanayaa mustaqbalka caruurta, laakin haddaysan nafteeda ka adkaan karin oo dareenkeeda kacsiga aysan celin karin oo ay ka baqayso inay xumaan ku dhacdo, markaas furiin way dalban kartaa iyadoo isaga u sheegayso sababta ay uga tagi rabto.

Xadiis Caa’isho (RC) laga wariyay ayaana daliil u ah waa xadiiskan:

(جاءتِ امرأةُ رفاعةَ القُرَظيِّ إلى رسولِ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ فقالت : إنِّي كنتُ عندَ رفاعةَ فبتَّ طَلاقي فتزَوَّجتُ عبدَ الرَّحمنِ بنَ الزّبيرِ وإنَّما معَه مثلُ هُدبةِ الثَّوبِ ، فتبسَّمَ رسولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فقال : أتريدينَ أن ترجِعي إلى رفاعةَ لا حتَّى تذوقي عُسَيلتَهُ ويذوقَ عُسَيلتَكِ)

(Haweeneyda Rifaaca Alquradi ayaa rasuulkii Alle (SCW)u timid waxay tiri: waxaa i qabay Rifaaca laakin seddex ayuu igu furay waxaan guursaday Cabdiraxmaan ibnu Zabiir wuxuu qabaa wax maradan oo kale (waxay ka waddaa geedkiisa waa jileec sida marada oo kale) nabiga (SWC) wuu dhoolacadeeyay wuxuu yiri: ma waxaad rabtaa inaad u laabato Rifaaca, maya ilaa aad ka dhadhamiso malabyarowgiisa isagan uu kaa dhadhamiyo malabyarowgaaga).

Wuxuu u la jeedaa naagta haddii seddex lagu soo furo oo nin kale guursado uma laaban karto ninkii hore oo seddexda kusoo furay ilaa uu ugu galmoodo ninka dambe, sidoo kale waxaa xadiiska laga qaadanayaa ninka hadduu sariirta xaaskiisa ku qancin waayo inay xaq u leedahay dalaaq inay dalbato.

Ilmo labo bilood jiro oo saxarada kasoo daahdo

 

Exit mobile version