Site icon Daruur درور

Naag ayaa lacag iga cuntay ila taliya

Su’aasha:

Wad salaman tihin walaalayal gabar ayaa lacag iga cuntay lacgas ma yara waxay ballan iga qaadday inan is guursanayno gadaal waxan ka ogaday inay nin kale guursan rabto oo aniga ay been ii sheegayso, marka si aan ku sameeyo garan maayo maxaa talo aad i sinaysan

Naag ayaa lacag iga cuntay ila taliya
Naag ayaa lacag iga cuntay ila taliya

Jawaabta:

Marka si dhab loo hadlo lacagta gabadha aad siiyay waad ku qaldan tahay, waayo wajigee aad ku siinaysaa gabar aad shukaansanayso oo waxaa dhici karta lacagtaas inay xumaan kugu riddo, teeda kale weji aad lacagtaas kaga soo cesheto ma jiro, inaad iyada tuugto mooyee, haddii aadan caddeyn ku ahaynin oo sharciga aad la mari karto, waxaa laga yaabaa lacagtaas inaad u siisay jacayl iyo haddiyad, marka iyaday ku xiran tahay inay kuu soo celiso iyo in kale, taas waa qalad aad gashay oo halis ah, naagaha aad bay u garanayaan inay raga lacag ka cunaan siiba marka ay arkaan raga qaar oo ka daba dhareeraya, marka waxaa kuu fiican inaad iskaga sabarto oo aadan mar dambe u noqonin falkaas, waa inuu cashar fiican kuu noqdaa.

Waliba mararka qaarkooda waxaa dhacda raga qaar inay naagaha kaga aargudsadaan inay la tuntaan si ay lacgtooda bilaash uga lumin, taasna waa qalad qalad ku sax, waa dambe kale ka sii weyn inaad ku dhacdo waa sino oo naar ku geyn karta.

Exit mobile version