Site icon Daruur درور

Muxuu yahay xalka laga gaari karo arinta gobolka Gedo?

Su’aasha:

Wali waxaa jiro ismaandhaf ku aadan doorashada waxaana caqabada ugu daran ay tahay arinta gobolka Gedo Axmed Madoobe wuxuu ku adkeystay in Gedo laga soo saaro ciidanka dowlada geysay laguna wareejiyo ciidama kenyan ah iyo kuwa maamulkiisa dowladana waa diidey midaas marka xalka ugu dambeeya arintaas maxay noqon kartaa.

Muxuu yahay xalka laga gaari karo arinta gobolka Gedo?
Muxuu yahay xalka laga gaari karo arinta gobolka Gedo?

Jawaabta:

Xalka waa inay soomaalida isku fahmaan maamulka dalkooda ayna daacad isu noqdaan oo ay iska tuuraan qabyaaladda.

Dowlad soomaali oo dhan ka dhxeysa waa in la taagaa madaxda dalka oo dhan waa inay ka fogaadaan faragalinta shisheeyaha, sidaas ayaa lagu gaari karaa guul iyo hormar.

Dowladda waa inay ku dadaashaa dhista dalka iyo soo celinta xasilloonida iyo awood dawladnimo.

Dowladado badan ayaa jira soomaali aan u rabin inay awood yeelato marka xalka wuxuu ku jiraa soomaalida inay wax isla gartaan.

Exit mobile version