Site icon Daruur درور

Muuqaalka Rooble oo baraha bulshada qabsaday

Waxaa ku faafay baraha bulshada muuqaalka ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble asoo la joogo masuul dalka Imaaraadka ka socda waxaa kaloo meesha ka muuqday wasiirka maaliyadda, meesha waxaa taallay lacagtii imaaraadka ay soomaali soo galiyeen oo garoonka Aadan Cadde lagu qabanayay.

Muuqaalka Rooble oo baraha bulshada qabsaday
Muuqaalka Rooble oo baraha bulshada qabsaday

Rooble markuu soo galay meesha lacagta tiillay wuxuu sameeyay fal aan habboonayn inuu sameeyo nin masuul sare ah, falkaas wuxuu tilmaamayaa marka la eego luuqadda jirka waxyaalo badan oo aan ku habboonayn nin soomaaliya matalaya.

Rooble xirmo lacagtaas ah ayuu si kaftan ahaan jeebkiisa ula aaday asoo qoslaya, sida ka muuqata video-ga aadka ugu faafay baraha bulshada.

Waa kanaa muuqaalka:

YouTube video player

Exit mobile version