Mowliidka ma xadiis sugan ama aayad cadeyneysaa jirta

Mowliidka ma xadiis sugan ama aayad cadeyneysaa jirta

Su’aasha:

Asc walaal waanku salaamaya waxaana kaaga mahad celinaa qaabka aad su aalaha iiga soo jawaabto mideeda kale waxaan ku weydiinayaa Bisha muxaram 12keeda culimada suufida waxay sheegaan inay tahay maalintii uu dhashay suubaneheena scw islamarkaana waxay sameyaan fantastiyooyin ay ku cabirayaan waxay ugu yeereen mowliidka marka ma jiraa daliil dhigaya in Nabigeena uu dhashay bishan muxaram mise jirtaa in waxan ay qoladan suufida ugu yeeraan mowliidka loo dabaal dego asal ahaanse xuskan mowliidku xaguu ka yimid waxaan rabaa inaad noogu faa ideysid aniga iyo inta soo booqaneysa websitekan.

Mowliidka ma xadiis sugan ama aayad cadeyneysaa jirta
Mowliidka ma xadiis sugan ama aayad cadeyneysaa jirta

Jawaabta:

Waan ku salaamay walaalka qaaliga ah, salaan kadib mowlidka waa arrin aad laysugu dagaalo oo dad badan ay isku dilaan waxaad mooddaa inay sheekada tahay qorshe muslimiinta lagu kala geynayo.

Waxaa caan ah dhalashada nabiga (SCW) inay tahay bisha rabiic al-awal laba iyo tobankeeda taasna waxaa sheegay Aldahabi iyo Aldabari iyo Albayhaqi iyo Ibnu alathiir iyo Almiqriizi iyo culimo kale, Ibu Sacad asoo kasoo guurinaya Alwaaqidi wuxuu sheegay inuu nabiga (SCW) dhashay maalinta labaad qaar culimada ka mid ah waxay sheegeen inuu dhashay maalinta siddeedaad, waxaana taas soo guuriyay Ibnu Cabdilbar iyo Ibnu Katihiir iyo Alqasdalaani iyo culimo kale.
Marka hore daliil cad ma jiro oo sugaya inuu nabiga dhashay maalinta laba iyo tobanka rabiic al-awal.

Kutubta taariikhda waxay sheegaan inay yihiin qolada ugu horraysay mowliid dhigta Cubaydiyiinta oo ka mid ahaa dowlada faatimiyada ee ka jirtay masar wuxuuna ahaa waqtigaas qarniga lixaad hijriga, dadkaas waxay ahaayeen dad caqiidadooda aan sax ahayn culimo badan xiligaas joogay diinta ayay ka saareen, maxaayeelay mad’habka ismaaciiliga ee kugu daran shiicada ayay haysteen, waxaad ka akhrisan kartaa taariikhda dowladda faatimiyada kutubta taariikhda islaamka.

Waxaad ogaataa xaaraan iyo xalaal in lagsoo qaato diinta Ilaahay ee nafta waxa ay jeclaysato ma aha, marka waxaan kusoo bandhigayaa daliilyada ugu muhimsan ay labada qolo daliilsadeen si aad u ogaato dhabta.

Marka aan egno daliilka ay haystaan dadka leh mowlid ayaa la digi karaa waxaa ka mid ah daliilyadooda oraahda Alle:

{قُلْ بِفَضْلِ اللَّهِ وَبِرَحْمَتِهِ فَبِذَلِكَ فَلْيَفْرَحُوا}

(Waxaad dhahdaa Fadliga Eebe iyo Naxariisiisa arintaas ha ku farxeen (Mu’miniintu) iyadaa ugu Khayrroon waxay kulmine.)

Waxay dhaheen farxadda ugu weyn waa ku farxidda dhalashada nabiga Ilaahyna wuxuu na faray inaan ku faraxno fadligiisa.
Daliilka labaad ay daliilsadeen qolada mowliidka bannaysay waa xadiiska:

أنَّ النبيَّ صلَّى الله عليه وسلَّم: (سُئلَ عن صَومِ الإثنَينِ؟ قال: ذاك يومٌ وُلدتُ فيه)،

(Naniga (SCW) ayaa la weydiiyay soonka isniinta wuxuu yiri: waa maalinta lay dhalay))

Waxay dhaheen xadiiska wuxuu tilmaamayaa in xaflad loo dhigan karo dhalashada nabiga maxaayeelay wuxuu u soomi jiray dhalashadiisa awgeed.

Daliilka sedexaad waa xadiiska:

(مِن أفْضلِ أيَّامِكم يومُ الجُمُعة؛ فيه خُلِقَ آدَمُ، وفيه قُبِضَ، وفيه النَّفخةُ وفيه الصَّعقةُ؛ فأكثِروا عليَّ من الصَّلاةِ فيه؛ فإنَّ صَلاتَكُم مَعروضةٌ عليَّ)

(Maalmihiina waxaa ugu fadli badan jimcaha waxaa la abuuray aadam waana la oofsaday afuufidda buukana waa jimcaha iyo suuxidda, inaad igu salisaan badiya salaaddiina waa laysoo bandhigayaa))

Waxay dheheen haddii nabiga (SCW) noo jideeyay inaan ku salino maalinta ilaahay abuuray nabi aadan in isaga aan ku salino maalinta dhalashadaiisa ayaa ka sii fiican.

Intaas ayaa ugu muhimsan qolada mowliidka oggol waxa ay daliilsadeen.

Qolada Kale waxay daliilsadeen  addilo badan waxaa ka mid ah oraahda Alle:

 

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا}

(Kuwa (Xaqa) Rumeeyow adeeca Alle oo adeeca rasuulka iyo kuwa amarka leh, oo idinka mid ah, haddaad ku dooddaan arrin u celiya Alle iyo rasuulka haddaad tihiin kuwo rumeeyay Alle iyo maalinta Dambe (qiyaamada) saasaana khayr roon oo wanaag badan xagga abaalmarinta)

Aaayadda waxay tilmaantay wixii laysku khilaafo in loo celiyo kitaabka iyo sunnada labadana kuma soo aroorin mowliid wax la dhaho.

Waxaa kaloo ay daliilsadeen xadiiskan:

 

إنَّهُ مَن يعِشْ منْكم بعدي فسيَرى اختِلافًا كثيرًا فعليكُم بسنَّتي وسنَّةِ الخلفاءِ الرَّاشدينَ المَهديِّينَ من بعدي تمسَّكوا بِها وعضُّوا عليها بالنَّواجذِ وإيَّاكم ومُحدَثاتِ الأمورِ فإنَّ كلَّ بدعةٍ ضلالةٌ

(qofkii noolaado wuxuu arki doonaan khilaaf badan waxa korkiina ah sunnadayda iyo sunnada khulafada raashidiinta ee hanuunsan gadaashayda qabsada goos dambeedka ku qaniina iska jira arrimaha lasoo cusboonaysiiyo badca katste waa baadi)

 

Mowlidka nabiga ma sameynin asxaabtiisana qof sameeyay kuma jiro hadduu khayr ahaan lahaa iyagaa sameyn lahaa, marka waa bidco bidca kastana waa baadi.

Laakin qolada mowliidka oggol waxay dhahaan waa bidco wanaagsan.

Laakin imaam maalik wuxuu yiri:

 

(مَن ابتدَعَ في الإسلامِ بِدعةً يراها حسَنةً، فقد زعَم أنَّ محمدًا خان الرِّسالةَ؛ لأنَّ اللهَ تعالى يقولُ: {الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا}؛ فما لم يكُن يومئذٍ دِينًا، فلا يكونُ اليومَ دِينًا)

 

(qofkii islaamka soo galiyo bidco asoo u arkayo inay fiican tahay wuxuu u maleeyay in nabi Muxammad risaalada khiyaanay maxaayeelay Alle wuxuu leeyahay: (Maantaan idiin dhammeystiray diintiinna waxaanna idiin taamyeelay korkiinna nicmadayda islaamkana diin ahaan ayaan idkinkaga raalli noqday))

Waxaa kaloo ay daliil sadeen xadiiska:

 

(من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رد)

(qofkii sameeyo camal oo aan arrinkeena ku salaysnayn waa la celinayaa)

Marka labada qoloba wax bay soo daliilsadaan taas oo keentay in lays gaalaysiiyo oo lays naco kuwa suufiyada way kasii badbadiyeen sidoo kale kuwa wahaabiyada iyagana way kasii badbadiyeen.

Marka runta laga hadlo diinta waxaa loo soo dejiyay in lagu dhaqmo oo laysku xukumo qofkii nabiga jecel wuxuu raacayaa diintiisa siduu Ilaahay quraanka ku yiri:

{قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ}

(Dheh haddaad tihiin kuwo jecel Eebe i raaca haydin jeclaado Eebee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista).

Wuxuu yiri Alle:

{فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَن تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ}

(Ha ka Digtoonaadeen kuwa Khilaafi Amarka Nabiga inay ku Dhacdo Fidno (Masiibo) ama ku Dhoco Cadaab Daran).

(وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانْتَهُوا وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ)

(Wuxuu Rasuulka idinla yimaado qaata wuxuu idinka reebana ka hara, kana dhowrsada Alle, maxaa yeelay Alle midka ciqaabtiisu daran tahay)

تَرَكْتُ فِيكُمْ مَا إِن اعْتَصَمْتُم بِهِ ، فَلَن تَضِلُّوُا أَبَدًا : كِتَابَ اللهِ ، وَسُنَّةَ نَبِيِّه)

(Waxaan idingaga tagay wax haddii aad qabsataan aydan waligiina lumaynin: kitaabka Alle iyosunada nabigiisa)

 

{لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِالْبَيِّنَاتِ وَأَنْزَلْنَا مَعَهُمُ الْكِتَابَ وَالْمِيزَانَ لِيَقُومَ النَّاسُ بِالْقِسْطِ}

(Dhab ahaan baan ula dirray Rasuulladannadii xujooyin, waxaana u soo dajinnay Kutub iyo Caddaalad, si dadku ugu tooso Caddaalad).

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَجِيبُوا لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمْ لِمَا يُحْيِيكُمْ}

(Kuwa Xaqa Rumeeyow Maqla Eebe iyo Rasuulka Markuu idiinku Yeedho wax idin nooleeya (XAQA) ).

{مَنْ يُطِعِ الرَّسُولَ فَقَدْ أَطَاعَ اللَّهَ}

(Ruuxii adeeca Rasuulka wuxuu Dhab u Adeecay Eebe)

{وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ}

(Adeecana Eebe iyo Rasuulka waxaad u dhawdihiin in laydiin Naxariistee),

{لَّقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا}

(Waxaa idinku sugan rasuulka Alle kudayasho wanaagsan, ruuxii rajayn Alle iyo maalinta aakhiro, Allana xusa in dadan).

{وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ}

(Kuma haboona (umana banaana) nin Mu’min ah iyo Haweeney Mu’minad ah Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay dhumid Cad),

{فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤْمِنُونَ حَتَّى يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لَا يَجِدُوا فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُوا تَسْلِيمًا}

(Eebahaa baan ku dhaartaye ma rumeeyaan intay kugu Xukuntamaan waxa dhex mara oyna ka helin Naftooda dhib, waxaad Xukuntay ooy hogaansamaan hogaansi),

Haddaad nabiga si dhab ah u jeceshay qaado diinta islaamka quraanka iyo xadiiska saxiixa ah, daliil cad looma hayo in xaflad loo dhigi karo dhalashada nabiga (SCW).

Qofka muslinka ah salaad kaste nabiga ayuu ku salinayaa aadaAn kaste magaca rasuulka ayuu sheegayaa marka nabiga Ilaahay ayaa kor u qaaday waana nabiga ugu sharafta badan wixii Alle uumay oo khalqi ah, sharaftaasna Ilaahay ayaa siiyay.

 

Imisa Nabi ayaa jiray oo Alle waxyi kusoo dejiyay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More