Site icon Daruur درور

Meher malaga dhigi karaa inaan gabadha la furin

Meher malaga dhigi karaa inaan gabadha la furin

Su’aasha:

Gabar meherkeeda ka dhigatay in aanan la furin ma furmi kartaa hadii la furo ama la dhalaaqo?

Asc walaal waxaan ku weydiinayaa haddii aan gabar is mehersano gabadhuna ay meherkeeda ka dhigato in aanan furin lacalla biri kamaalin haduu afkeyga ka soo boxo furiinkaas maku furmi kartaa?

Mahadsanidiin

Gabar meherkeeda ka dhigatay in aanan la furin ma furmi kartaa hadii la furo ama la dhalaaqo?
Gabar meherkeeda ka dhigatay in aanan la furin ma furmi kartaa hadii la furo ama la dhalaaqo?

Jawaabta:

Meherka waa inuu noqdaa wax qiime leh oo lagu intifaaci karo la iibin karo waa hanti iyo wxii hantida booskeeda istaagi kara, ma noqon karo shardi lid ku ah guurka, naagta inay ninkeeda shardi uga dhigto inuusan furi karin shardigaas ma ansaxayo haddii sidaas meher laga dhigo waxay leedahay meher u qalmo naagtaas qiimaha ay ku leedahay bulshada oo hanti ah, waxaana la eegayaa walaasheeda ama eeddadeeda.

Diinta islaamka ma aha sida diinta kirishtaanka oo kale ninka iyo naagta haddii laysku meheriyo inaysan kala tagi karin.

Furiinka wax fiican ma aha guud ahaan, laakin waxaa laga yaabaa labada qof inay iskeeni waayaan, marka sidee loo diidayaa in lays furo, marka meherka ma noqon karo shardigaas oo guurka lid ku ah.

Naagta ninkeeda inay u adeegto diinta maxay ka qabtaa

The marriage must be valuable and can be useful and can be sold is property and the property can stand in its place, it cannot be a condition against the marriage, the woman to make it a condition for her husband that he cannot divorce that condition is not approved if this is made a marriage she has a marriage that is worthy of that woman’s value in society. and looking at her sister or her own guilt.

Islam is not like Christianity. If a man and woman are married, they cannot separate.

Divorce is not a good thing in general, but both parties may not be married, so how is it forbidden to divorce, when the marriage cannot be the opposite of marriage.

 

Exit mobile version