Site icon Daruur درور

Maxay ka qabtaa diinta in uu ninku halmar wada nikaaxsado laba dumar

Su’aasha:

Asc sxb qaaliya seetahay xaaladaada war nio baraha bulshada ayaan ku arkay laba gabdhood oo halmar uu nin wada guursaday marka waxaan ku weydiina ninku miyuu halmar wada nikaaxsan karaa laba dumar hadey iskaga raali yihiin guurkooda ay halka nin ku guursan karaan.

Maxay ka qabtaa diinta in uu ninku halmar wada nikaaxsado laba dumar
Maxay ka qabtaa diinta in uu ninku halmar wada nikaaxsado laba dumar

Jawaabta:

Hal mar wuu wada nikaaxsan karaa midba mar baa lagu mehrinayaa ilaa afar baa u banaan, laakin hal mar lama aqalgali karo, midda meherka ku horraysay ayuu la aqalgalayaa haddii ay gabar tahay toddobo maalmod ayuu la joogayaa, hadday garoob ay tahayna sedex maalmood ayuu la joogayaa, kaddib ayuu bilaabayaa inuu maalmaha si siman ugu qeybiyo dhamaadntood hadday labo yihiin iyo hadday afar yihiinba.

Laakin caadi ahaan dadka sidaas sameeyo waxay ka tahay faan iyo is tus, waxaa la yaqaanaa qofka inuu marka hore hal naag guursado kaddib duruufaha hadday u keenaan inuu mid labaad iyo mid sedexaad iyo mid afaraad uu markaa mehersado, illeen guurka cayaar ma aha.

Exit mobile version