Site icon Daruur درور

Markaan siigeysto ka dib waxaan dareemaa nafis maxaa u sabab ah?

Su’aasha:

Walaal waxaan ahay nin doob ah hadana badanaa waa iska ilaalilyaa siigada sidaas ay tahayna marka aan saa’id u dareemo kacsi waali ah oo siigeysto ka dib waxaan dareemaa daganaan hurdo iyo nafis marka sow lama dhihi karo siigadu waa caafimaad jirka wasaqdiisa layskaga bixiyo.

Markaan siigeysto ka dib waxaan dareemaa nafis maxaa u sabab ah?
Markaan siigeysto ka dib waxaan dareemaa nafis maxaa u sabab ah?

Jawaabta:

Qofka marka biyo ka baxaan waa la og yahay inuu khafiifayo oo uu dareemayo fudayd, taas waxaa keenaysa culayska biyahaas oo jirkiisa ka baxay, daal iyo hurdo ayuu dareemaa qofka marka uu biyabaxo, taas macnaheeda ma aha inay leedahay seegada raaxo dhab ah, maxaayeelay natiijada waa shallay iyo yaxyax iyo murugo.

Marka ha u malaynin raaxada aad dareemayso goorta aad siigo ku biyabaxdo mid fiican, waxaan kula talinayaa inaad iska ilaaliso siigada, waxaad ogaan doontaa marka aad guursato hadalkan qiimaha uu kuu leeyahay.

Naagta marka aad guursato waxay kaaga baahan tahay raaxo iyo galmo, hadaad siigada badsato taas ma awooddiid waayo siigada dhibaatooyin badan nafsi ah ayay kuu keenaysaa.

Exit mobile version