Site icon Daruur درور

Magalaada gaalkacyo iyo go’aanka Gudoomiye Sanyare

Su’aasha:

Gudoomiyaha sanyare ee gaalkacyo waxa uu soo dajiyey go’aan raganimo ah kaas oo ah in magalaada lagu dhex wadan karin qori go’aan kaas sidee loo qaadan karaa maadaamo ay magalaadii amni noqotay.

Magalaada gaalkacyo iyo go'aanka Gudoomiye Sanyare
Magalaada gaalkacyo iyo go’aanka Gudoomiye Sanyare

Jawaabta:

Waa go’aan laga rabo dowlad kaste inay ilaaliso hubka inuusan gacanta u galin dadka aan loogu talagalin inay qaataan, soomaali waxa fowdada ka dhigay hubka oo gacanta tuugada u galay, dal kaste hubka u fasaxa shacabta si xad dhaaf ah wuxuu galayaa dil iyo fowdo.

Waxaa kaloo laga rabaa qofka Gudoomiyaha ah inuu ilaaliyo wixii bulshada hagaajinaya sidoo kale inuu la dagaallamo xumaanta iyo fisqiga, ma aha waxyaalaha qaar kaliya in lagu dadaallo waxaa jira waxyaalo badan oo la rabo in la toosiyo.

Dugaag dadow halkaan ka baro

Exit mobile version