Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo

الأسماء الإسلامية لأطفال المسلمين

Magaca waa astaanta ugu horreyso ee lagu garto qofka dhashay waana waxa ugu qaalisan noloshiisa, mana jiro qof jiri karo magac la’aan.

Sidaa awgeed qofka aabaha ah waxaa laga rabaa ubadkiisa inuu u bixiyo magac aad u fiican oo casri ah oo casri kaste la socon karo oo cunugga niyadda aan ka jabninin.

Sidoo kale magaca wuxuu xiriir la leeyahay qofka diinta uu aaminsan yahay.

Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo
Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo

Qofka muslinka waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo magac aan wadanin waxyaalo xiriir la leh gaalnimada waliba magacyada shirkiga xambaarsan ama xaaraanta ah in la baxsado.

 

Magacyada aan gaalada marna baxsanin waa kuwa xiriirka adag la leh diinta islaamka.

Magacyadaas waxaa ugu horreeyo Muaxamad magacan waa magaca nabiga ugu dambeeyay anbiyada waligiisa lama sheegin qof aan muslin ahayn loo bixiyay.

Bal gaalada waxay aaminsan yihiin inuu astaan weyn uu u yahay diinta islaamka.

Xataa waxay dhahaan diinta islaamka Diinta Muxamadiyada taasoo loo tiirinayo magaca nabi Muxammad (scw) maxaayeelay isaga ayaa lagu soo dejiyay diinta islaamka.

Waxaa shardi ah magaca qofka muslinka loo bixinayo inuusan wadanin calaamo gaalnimo ama shirki qofka u keeni karto.

Magacyada noocaas ah waa xaaraan:

Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo الأسماء الإسلامية لأطفال المسلمين
Magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka loo bixiyo الأسماء الإسلامية لأطفال المسلمين

Bal waxaa la amray qofka muslinka inuu qurxiyo magacyada uu u bixinayo ilmihiisa wuxuu yiri rasuulka SCW:

( إنكم تدعون يوم القيامة بأسمائكم وأسماء آبائكم، فحسّنوا أسماءكم )

رواه أحمد وأبو داود

(Idinka maalinta qiyaame waxaa laydinkugu yeerayaa magacyadiina iyo magacyada aabeyaashiina marka hagaajiya magacyadiina)

Waxaa wariyay xadiiska Axmed iyo Abuu Daawuud

Wuxuu kaloo yiri rasuulka (SCW):

 

( إن أحب أسمائكم إلى الله عز وجل عبد الله وعبد الرحمن )

رواه مسلم

(Waxaa loogu jecel yahay magacyadiina xagga Alle Cabdullaahi iyo Cabduraxmaan)

Waxaa wariyay Muslim

 

Magacyada wiilasha carabta oo fiifiican

Magacyo wiilal iyo gabdho casri ah oo qurux badan

 

Halkaan ka daawo muuqaal ka hadlayo magacyada wiilasha iyo gabdhaha muslimka

 

The name is the first sign that identifies a person who is born and is the most precious thing in his life, and no one can exist without a name.

Therefore, a father is required to give his child a very good and modern name that can be followed in every era and that will not break the child’s spirit.

The name is also related to the person’s religion.

Names that are never avoided by infidels are those that have a strong connection with the Islamic religion.

The first of these names is Muhammad, this name is the name of the last prophet, the prophets were never mentioned and was given to a non-Muslim.

But infidels believe that it is a great symbol of the Islamic religion.

They even say that the Islamic religion is the religion of Muhammad, which is based on the name of the prophet Muhammad (peace be upon him) because he was revealed in the Islamic religion.

It is a condition that the name given to a Muslim person should not have any signs of disbelief or polytheism that can lead to the person.

 

 

Leave a Reply