Maba fahmo qofka ila hadlaya wuxuu ii sheegayo

Su’aasha:

Waxaan isku arkay markay dadka sheekeysanayaan waan fahmaa oo waan la socdaa balse qofka markuu aniga sheekada ila soo aado maba fahmo waana ku caajisa hadalkiisa taasi maxay ka dhigantahay wll wlhi qofka iisheekeynaya badi maba dhuuxi karo nuxurka hadalkiisa in yar oo aan ka fahmo mooyee markaasaan iska dhigaa inaan la socdo wuxuu sheegayo waan u dhoola cadeeyaa si qofku ii dareemin arintaas iga caawi bal wll sidee kaga bixi kraa.

Maba fahmo qofka ila hadlaya wuxuu ii sheegayo
Maba fahmo qofka ila hadlaya wuxuu ii sheegayo

Jawaabta:

Xaaladda aad sheegayso sababo badan ayaa keeni kara waxaana ugu muhimsan sababaha keena kuwan soo socda:

Qofka inuu buuq badan ku furan yahay oo arrimo badan uu ka fikirayo ama howlo badan ay ka kala daadsan yihiin, taas way keeni kartaa in qofka maskaxdiisa ay baxdo marka loo sheekaynayo.

Waxaa kaloo keeni kara qofka daawada filimada galmada, waxay u geysanayaan maskaxdiisa dhaawacyo badan qofka wuxuu noqonayaa qof dadka oo dhan ka baxsan oo fikirkiisa la tagayo marka loo sheekeynayo.

Waxaa kaloo keeni kara siigada badan qofka markuu aad u siigaysanayo iyadana waxay ku reebtaa dhibaato iyo mashaakil xagga maskaxda iyo fikirka.

Waxaa kaloo keeni kara vitamiinada qaar inay jirkaaga ka maqan yihiin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More