Site icon Daruur درور

Maalinta jimcaha qof baas ay u tahay ma jiraa

Su’aasha:

Asc wll waxaan ahay Nin dhalin yara ah oo 20 jir ah Tan inta aan caqliga lahaa ee aan wax dareemi karay waxaan isku arkaa in maalinka jimcaha uu ii yahay maalin dhibaato iyo murugo Jimca kasta waxaa igu furan War war iyo mushkilado waxa aan qorsheystana iima hagaagaan maalinkaas jimcaha ah ,
Jimcooyinka qaar Wan murugsanahay Jimcooyinka qaarna dhibaato ayaan Lugaha la galaa oo la xiriiro nolol maalmeedkeyga Sida in aan is dagaalno qof katirsan familkeyga asxaabteyda ama qof Xiriir inaga dhaxeeyo
Arintan in mudo ah ayaan arkayaa heer aan dareemay in jimcaha uusan Ii wanaagsaneyn hadii ay jimco tahay badanaa waan is dejiyaa si aan mushkilado Lugaha ula gelin ugu dambeyn waxaan wareystay asxaabteyda oo aan ku iri arinkan ayaan isku arkaa ka warama Mid kamid ah ayaa igu yiri aniga xataa maalinta jimcaha waan war waraa ma aqaan waxa iga qaldan kaligey ayaan isku maleen jiray adna ma isku araktaa ayuu iigu jawaabay

maalintaas wixii ka dambeeyey inaan baaro ayaan isku dayey mushkiladan waxaan dhageystay qiso Nin boqor ka ahaa wadamo kamid ah Yurubta barri oo necbaa maalinta Talaadada waxaa qisada kamid aheyd in ninkaas maalinta Talaadada uu is ilaalin jiray balse maalin talaado ay tahay loogu wacay casuumaad Marka hore wuu diiday Marka dambana wuu ogolaaday markuu tagayna Casuumaadii ayaa lagu dhex dilay

Waxaan doonayaa in aad iiga warantaan mushkiladan wixii aad igu dhaantaan Si dhaqsa ah mahadsanidiin.

Maalinta jimcaha qof baas ay u tahay ma jiraa
Maalinta jimcaha qof baas ay u tahay ma jiraa

Jawaabta:

Waxaas ha aaminin waxaa laga yaabaa inay isku soo aadeen dhacdooyinka aad sheegayso iyo maalinta jimcaha, ma jirto maalin baas leh taas waa khuraafaad ma aha qofka muslinka inuu waxaas aamino.

Teeda kale maalinta jimcaha waa maalin fadli badan oo ka qiima badan maalmaha kale wuxuu yiri rasuulka (SCW):

 

(خيرُ يومٍ طَلعَتْ فيه الشَّمسُ يومُ الجُمُعة؛ فيه خَلَقَ اللهُ آدَمَ، وفيه أُدْخِلَ الجَنَّةَ، وفيه أُخرِجَ منها، ولا تقومُ السَّاعةُ إلَّا في يومِ الجُمُعة)

(Maalin qorrax soo baxdo waxaa ugu khayr badan maalinta jimcaha, Alle aadan ayuu abuuray maalintaas jannada ayuuna galiyay wuuna kasoo saaray qiyaamadana ma dhaco maalin jimco maalin aan ahayn)

Wuxuu kaloo yiri rasuulka (SCW)

( خَيْرُ يَوْمٍ طَلَعَتْ فِيهِ الشَّمْسُ يَوْمُ الْجُمُعَةِ فِيهِ خُلِقَ آدَمُ وَفِيهِ أُهْبِطَ وَفِيهِ تِيبَ عَلَيْهِ وَفِيهِ مَاتَ وَفِيهِ تَقُومُ السَّاعَةُ وَمَا مِنْ دَابَّةٍ إِلَّا وَهِيَ مُسِيخَةٌ يَوْمَ الْجُمُعَةِ مِنْ حِينَ تُصْبِحُ حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ شَفَقًا مِنْ السَّاعَةِ إِلَّا الْجِنَّ وَالْإِنْسَ وَفِيهِ سَاعَةٌ لَا يُصَادِفُهَا عَبْدٌ مُسْلِمٌ وَهُوَ يُصَلِّي يَسْأَلُ اللَّهَ حَاجَةً إِلَّا أَعْطَاهُ إِيَّاهَا قَالَ كَعْبٌ ذَلِكَ فِي كُلِّ سَنَةٍ يَوْمٌ فَقُلْتُ بَلْ فِي كُلِّ جُمُعَةٍ

(Maalin qorrax soo baxdo waxaa ugu khayr badan maalinta jimcaha, adaan ayaa la abuuray waxaana lasoo dejiyay dhulka waana laga towbad aqbalay jamca ayuuna dhintay qiyaaimadana waa jimco, daabad ma jirto aan jimcaha tasbiixsanin lagasoo bilaabo aroortii ilaa ay qorraxda ka dhacdo iyadoo ka baqayso qiyaamada, jinni iyo insi mooyee, maalinta jimcaha saacad ayaa ku sugan ma jiro qof muslin asoo tukanayo oo Alle wax weydiinaya hadday dhacdo wax buu siinayaa Kacab wxuu yiri: waa sanad kaste waxaan ku iri: waa jimca kaste).

Marka waad garan kartaa maalinta jimcaha inay tahay maalin wanaagsan marka iska jir shaydaanka inuu meeshaas kaasoo galo, qofka muslinka labada jimco ina u dhexeysa dambiga yaryar ayaa laga dhaafayaa hadduu ka fogaado dambiga weyn. Wuxuu yiri rasuulka (SCW):

 

   ( الصَّلَوَاتُ الخَمْسُ، وَالْجُمْعَةُ إلى الجُمْعَةِ، وَرَمَضَانُ إلى رَمَضَانَ، مُكَفِّرَاتٌ ما بيْنَهُنَّ إِذَا اجْتَنَبَ الكَبَائِرَ). 

(Salaadaha shanta iyo Jimco ilaa jimcada kale iyo Ramadaanka ilaa Ramadaanka kale waxay dhaafaan inta u dhexaysa haddii laga fogaado dambiyada waaweyn)

Exit mobile version