Ma jirtaa sun layskaga buufiyo tuqsiga?

Su’aasha:

Tuqsi baa nafta noo keenay lagama jiifi karo marka waxaan u baahnaa bahal layskaga buufiyo tuqsiga inaad iisheegtaan oo dadka waxyeelo u leheen.

Ma jirtaa sun layskaga buufiyo tuqsiga?
Ma jirtaa sun layskaga buufiyo tuqsiga?

Jawaabta:

Tixsiga wuxuu soo raacaa wasakhda, qofka waxaa laga rabaa inuu ku dadaalo nadaafadda, sidoo kale wuxuu soo yaacaa waqtiga kulaylka.

Waxaa fiican in tixsiga siyaabo dabiici ah loola dagaallamo.

Waxaa ka mid ah qaabab loola dagaallamo:

Qobka liinta bambeelmada oo la qalajiyay marka lagu shido meel tuqsi joogo wuu ka cararaa.

Waxaa kaloo lagu leyn karaa in laysku daro caano iyo sokor iyo filfil madow kaddibna dabka ayaa lagu karkarinayaa muddo gaaraysa 15 daqiiqo kaddib weelala yaryar ayaa lagu shubayaa waxaa la dhigayaa guriga geesihiisa tixsiga wuu ka helaa marka uu taabto filfil madowda ayaa dilaysa.

Waxaa kaloo jiro qalab shabak koronto ah oo tixsiga qabto.

Haddii aad rabto sun loogu talagalay waxaa ugu fiicam sunta lagu magacaabo  Egy Pride   suntaas biyo ayaa lagu qasayaa markaas ayaa guriga lagu buufinayaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More