Site icon Daruur درور

Ma iibsan karaa product qof hay’ad u sameeyay

Su’aasha:

Asc Daruur.com, suaashaydu waxa weeyaan product/waxsoosaar ay hay,adi qaybinaysay ayay udhiibtay shaqaale wakhtigaa qandaraas kula jiray lkn shaqaalahaasi product gii sidii loogu talogalay ugumay qaybinin dadkii loogu talogalay balse iyagaa ka faaidaystay oo iibiyay/ iibiya, aniguna ganacsi cusub ayan bilaabayaa imika marka product gaa lacagtayda makaga iibsan karaa mise xaaraanbay igu noqonaysaa.
F:g : product gu maaha raashin ama waxkale oo daruuri ah.

Ma iibsan karaa product qof hay'ad u sameeyay
Ma iibsan karaa product qof hay’ad u sameeyay

Jawaabta:

Waxsoosaarkaas hay’adda iska leh way iibin kartaa, qofkaas shaqaale ayuu u ahaa wixii ay ku heshiiyeen iyaga ayay u taallaa, haddii su’aasha si fiican  aad usoo faahfaahin karto way fiican tahay, laakin guud ahaan ninkaas sida aan ka fahmay hadalkaaga wuxuu u shaqaynayay hay’addaas marka iyadaa iska leh product-ga, isagana mushaar ayaa la siinayay, illeen iyaguu u shaqeeyaa, marba haddii hay’adda ay leedahay shaki kama taagna inay iibin karto maxaayeelay qofkaas shaqaale ayuu u ahaa, wixii iyaga ka dhexeeya ayaga ayay u taallaa, haddii heshiis kale gaar ah ka dhexeeyay mooyee markaas waxaa laga yaabaa xukunka inuu isbaddalo..

 

Nin lacag igu leh oo aan waayay maxaan ku sameeyaa

Exit mobile version