Lixda wadac ee Shawaal goormee la bilaabi karaa
Lixda wadac ee Shawaal goormee la bilaabi karaa
Su’aasha:
Asc bah weynta Daruur waan idiin salaamaya intaas ka dib Soonka loo yaqaano wadaca ee isbuuca la soomo marka ramadaanta goormee la soomaa waxaan arkay dad wadaca sooma maalinka koowaad ee ciida maalinta ku xigta marka in maalin ciid ah la soomo diintu maxay ka qabtaa.

Jawaabta:
Lixda sogootiska shawaal waxaa la bilaabi karaa maalinta ciidda maalinta ku xigto qofkii rabo wuu soomi karaa, kaliya waxaan la soomi karin maalinta ciidu fidriga, maxaayeelay maalinta ciidda soonka waa xaaraan.
Culimada qaar waxay nacayaan in laysku xiriiriyo lixda shawaal waxay dhahaan waxaa habboon in maalin dhaaf loo soomo, ama isniinta iyo khamiista loo qeybiyo.
Laakin si kaste waa la samayn karaa, kaliya waxaan la oggolayn in la soomo maalinta ciidda.
Sidoo kale qofka waa inuu ogaadaa lixda wadaca inaysan waajib ahayn, dadka qaarkii waxay ka dhigaan sida wax waajib oo kale, xataa hadday xanuunsan yihiin way isku qasbaan ama way soo qaleeyaan, ma aha soonka lixda Shawaal waajib, ee waa sunno haddaad rabto waad iska dhaafi kartaa wax dambi korkaaga ma aha.
Xadiis saxiix ayaa kusoo arooray wuxuu leeyahay rasuulka naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee:
«مَنْ صَامَ رَمَضَانَ ثُمَّ أَتْبَعَهُ سِتًّا مِنْ شَوَّالَ، كَانَ كَصِيَامِ الدَّهْر»
(qofkii Ramadaanka soomo oo raaciyo lixda Shawaal waa sida asoo sanadka soomay oo kale)
The six days of Shawwal can be started on a Sunday and the day after that, whoever wishes can fast, except that they cannot fast on the day of Eid al-Fitr, because fasting on a Sunday is forbidden.
Some scholars dislike linking the six days of Shawwal, saying that it is better to fast on a day off, or to divide it between Monday and Thursday.
But it can be done in any case, except that it is not permissible to fast on a Sunday.
A person should also know that the six days of Shawwal are not obligatory, some people make them as if they were obligatory, even if they are sick, they force themselves or force themselves to do so, it is not obligatory to fast the six days of Shawwal, rather it is a Sunnah, if you wish, you can skip it, there is no sin on you.