Waxan ku riyoday anigoo lacag badan wado oo xaanshi ah , ee iga dhacdhacayso oo aan so gurbinayo
Jawaabta
Lacagta badan waxaaylo badan ayay tusinaysaa, qofka doobka guur ayuu helaa, qofka xaaslaha caruur ayuu helaa iyo caafimaad iyo farxad, sidoo kale guud ahaan waxaa lagu fasiraa inuu qofka caan ku noqonayo hanti, wuxuuna hantida ku helaa qaab sahlan, marka waa riyo aad u fiican.
lacagta guud ahaan ayaa laga wadaa maxaayeelay lacagta warqadaha ah waxay u dhigantaa dahabka iyo qalinka qofkii riyo ku arko lacag fara badan ama lacag yar waa sida dahab badan oo kale ama dahab yar.
wiil markuu arko waa ka duwan tahay gabar marka ay aragto lacag badan.
sodoo kale naag uur leh iyo nin duq ah waxaas oo dhan fasirka riyada kaalin weyn ayay ka cayaarayaan xaalka qofka riyada arkayo waa muhim.