Labadayda xaas mid ayaan aad u jecelahay ma dambi baa
Su'aalaha
Su’aasha:
waxan qabaa labo xaas labada way fiican yihiin laakin mid ayaan aad u jeclahay oo marka gurigeeda aan joogo aad baan u raaxaystaa midda kale sidaas kuma ahi haddaba cadaalad miyaa sidaas oo dambi miyaa lay qorayaa fadlan ila taliya.
Jawaabta:
Qofka labo xaas leh iyo wixii ka badan waxaa waajib ku ah inuu cadaalad u sameeyo oo uu wada simo taas waxaa laga wadaa dhinaca wax siinta iyo hoyga iyo la joogidda iyo hadiyadda laakin qalbiga iyo jacaylka taas adiga awood uma lihid waxaadan awood u layanna laguuma qabsanayo, marka haddii aad mid si xoog u jeceshay wax dhib ma laha.