Khiyaanada shukaansiga sidee lagu garan karaa

Su’aasha:

Ninka marka uu beenta kuu sheegayo sidee lagu ogaan karaa mar mar waxad arkaysaa hadalo isdhaafasan ayuu ku hadlaa wuxuu ku dhaha adiga ayaan ku jeclahay hadalka noocas ah been inu yahay ama jecel beenta maxa lagu ogaan kara ila taliya qof been kugu dhaqayo maloo sabri kara.

Khiyaanada shukaansiga sidee lagu garan karaa
Khiyaanada shukaansiga sidee lagu garan karaa

Jawaabta:

Guud ahaan qofka beenta sheegaya waxyaalo badan ayaa lagu garan karaa waxaa ka mid ah hadalkiisa iyo falkiisa ayaa is khilaafaya, teeda kale marka fal la gaaro gadaal buu u laabtaa, waana sidaas farqiga u dhexeeya ninka dhabta kuu jecel iyo kan khiyaanada wata.

Tusaale ahaan nin hadduu gabar guur ka rabo oo ay daacad ka tahay arrintaas wuxuu ku dadaallayaa guurkaas siduu u suurtagalin lahaa, laakin haddii ay been ka tahay wuxuu isku dayayaa inuu gabadha afka ka yiraahdo waan ku jeclahay hadal macaan iyo sheeko amooro ah inuu ku akhriyo siduu uga dangaari lahaa dantiisa, marka uu dantiisa ka gaarana wuu iska tuurayaa gabar kale ayuu dabada ka galayaa, ninka marka sidaas uu yahay waa astaan rasmi ah ku tusaysa inuu beenlow yahay oo dan gaar ah uu wato.

Haddii aad guur u bandhigto wuxuu ku leeyahay hadda diyaar ma ihi qarash fiican ayaa loo baahan yahay hadal badan ayuu kugu akhrinayaa.

Runta waxay astaan u tahay ninka daacadka ah oo jacayl dhab ah kuu qaba, laakin nin beenlow ah waso aragnay siduu wax u kala tuuro, dumarka waxay ku sirmaan hadalka macaan iyo sheekada beenta iyo shukaansiga luuqa, taas oo dhan marka runta laga hadlo miisaan uma aha mustaqbalka iyo raga daacadda ah astaamaha lagu garto.

Runtii haweenka waa u nugul yihiin beenta si dhaqsi ayay ku rumeeyaan wax kasta siiba gabdhaha, waxaaba laga yaabaa naagta garoobta ah inay ka feejignaato ninmanka maxaayeelay wax ayay soo aragtay waso gubatay siiba naagaha waayaragga ah oo da’da weyn.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More