Site icon Daruur درور

Kaniiniga dareenka lagu yareeyo Faverin iyo caafimaadka

Su’aasha:

Wall aniga oo is dhahaayo waxaan waxay yaraan karaan dareenka wxaan u cuno
Wax ma ii kaanayaan hada kaniinigaan favering asaga wax yaabo badan ayuu daawo u yahay lkn aniga waxaan u cunayaa dareenka i uu iga yareeyo bis iyo cabsidii siigada igu abuurtay
Tan labaad protienkaan ay ku jiryo lactose ayada sudaas oo kle ayaa u qaadanaayaa asagana malaga yaabaa in uu i barariyo
Dadka aal miiteeyana kuli way qaataan iiga soo jawaab.

Kaniiniga dareenka lagu yareeyo Faverin iyo caafimaadka
Kaniiniga dareenka lagu yareeyo Faverin iyo caafimaadka

Jawaabta:

Aniga waxaan ku dhihi lahaa ha u adeegsanin yaraynta dareenka kaniini, waxaad u yarayn kartaa hab dabiici ah, cuntada ayaad iska yaraynaysaa waadna is mashquulinaysaa, laakin kaniini kaste wuxuu leeyahay side effect marka adiga xataa haddaadan dareemin inuu dhib kuu keenayo maalin ayaad ogaan doontaa dhibkiisa.

Teeda kale wixii dadka oo dhan ay cunayaan macnaheeda ma aha inuu fiican yahay, aniga waan kuu sheegay dhibaatootinka uu leeyahay burutiinka la sameeyay, waxaana ka fiican midka dabiiciga ah, oo laga helo hilibka iyo ukunta iyo qudaarta iyo furuudka.

Marka waligaaga iska ilaali wax kiimikaal ah.

Exit mobile version