Site icon Daruur درور

Jinka hadii cunta la siiyo dambi miyaa

Su’aasha:

Asc wll hooyaday ayaa xanuunsan waxaana lagu yiri Jin aad hore bun u siisay ayaa kugu kor ooman Marka si ay u caafimaado u hesho hadii Jinka Cuna lasiiyo ma dambi baa iyadoo la fiirinayo Caafimaadka qofka.

Jinka hadii cunta la siiyo dambi miyaa
Jinka hadii cunta la siiyo dambi miyaa

Jawaabta:

Jinka in cunto la siiyo si uu wax kuugu qabto waa nooc sixirka ka mid ah waana xaaraan, qofka jirran waa in loo daaweeyaa si sax ah aan shirki lahayn, jinka marka loo fuliyo waxa uu dalbado wuu sii qooqaa wuuna kibraa, islaamka ka hor dhacdooyinka noocaas oo kale ayaa dhici jiray quraankaa lagu sheegay suuratu Aljin, wuxuu yiri Alle:

(وَأَنَّهُ كَانَ رِجَالٌ مِّنَ الْإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٍ مِّنَ الْجِنِّ فَزَادُوهُمْ رَهَقًا)

(Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub)).

Marka jin hadaad cunto siiso ama neef aad u gowracdo waa nooc ka mid ah sixirka waa halis, qofka xanuunsan waa in si toosan loo daaweeyaa oo aan jin loo adeegsanaynin iyo sixir.

Exit mobile version