Jini mindi igu bursanayo ayaan ku riyooday fasirka muxuu noqonaa

Su’aasha:

Walaal waxaan ku riyooday 6 :50 inaa hurdada ku naqday saakay gurigeyga jinni badan jooga qaar duulduulaya iyo nin aniga i bursanaya midi dheer wata rabo inoo qoorta iga gooya waa ka cararaya woo igo soo tuuraya midida hadoo iso gaari wayo midi ayoo igo soo turaya iguma dhaceyso xaafadaha dadka dhaxdoda ku cararaya ninkeyga hada illa jooga ayaa waxaa leyahay aaway asiga ayaa yaqan jinnigan ha iga celiye asiga guri ayoo ku jira intaa ordayey guriga gambalelka inaa garaaco wan ka gaari wayey wan taabtay laakin ninkii ayaaba i bursanaya waa sii dhaafay gurigii ninkeyga ku jira asigoo i bursanaya ninka maxay tahay ninka midida dheer igu raacdeysanaya marna igu so tuuraya qoorta raba inuu iga gooyo mana igu dhaceyso.

Jini mindi igu bursanayo ayaan ku riyooday fasirka muxuu noqonaa
Jini mindi igu bursanayo ayaan ku riyooday fasirka muxuu noqonaa

Jawaabta:

Jinka waxaa lagu fasiraa dad cadow ah sidoo kale dad khiyaano badan, laakin riyada sida ka muuqata ma aha riya macne leh, waa riyo cabdi ku salaysan oo kaaga timid xagga shaydaanka,  riyada shaydaanka astaamaha ay leedahay waxaa ka mid ah cabsi daran aad ku dhex dareemayso riyada dhexdeeda, sidoo kale adigoo wixii ka baxsan la’ oo dhib weyn ku haysto.

Ilaahay ka magan gal sharteeda, Ilaahay ayaa kaa ilaalinayo sharteeda.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More