Jacinda Ardern RW New Zealand oo dil loogu gooddiyay
Dad aan la ogeyn ayaa waxay usoo direen Jacinda Ardern RW New Zealand gooddi, waxayna usoo mariyeen baraha bulshada, waxaa sidaas sheegay wargeyska The New Zealand Herald.
Jacinda Ardern RW New Zealand oo dil loogu gooddiyay
Kuwa islaamka neceb ayaa aad uga xanaaqay RW New Zealand Jacinda Ardern sida ay ula dhaqantay muslimiinta, sidoo kale talaabooyinka ay ku dhaqaaqday, taasoo meel sare geysay muslimiinta ku nool dalkaas.
sidoo kale waxay aad ula safatay dadka islaamka oo dalkeeda ku nool.
madaxa ayay xijaab saaratay aadaanka iyo salaadda jimcaha in laga daayo talafiishanka ayay fartay, khudbaddeeda ayay xadiiska rasuulka SCW
kusoo darsatay iyadoo tixgalin weyn u muujinaysa diinta islaamka, caddeynaysa dad aan rumaysnayn in diinta islaamka ay tahay diin sida laga sheegayo ee argagixisanimada ka fog .
waxaas oo dhan aad buu u dhibaya guruubka maanta shayddaanka aaminsan oo islaamka u arko cadowga koowaad.