Site icon Daruur درور

Islaamka dhalinyarada siduu u arko

Islaamka meel weyn ayuu geeyay dhalinyarada, marka dhalinyarada waa tiirka bulshada, marka dhalinyarada la hagaajiyo bulshada rajo weyn ayay leedahay, nusuusta meelo badan ayay ku tilmaantay waxtarka barbaarta.

Islaamka dhalinyarada siduu u arko
Islaamka dhalinyarada siduu u arko

Wuxuu Alle kitaabkiisa kariimka ah ku yiri:

‏‏

{إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ آمَنُوا بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَاهُمْ هُدًى}

 (Waxay ahaayeen dhalinyaro rumeeyay rabbigooda, waxaanna u siyaadinay hanuun)

Qur’aanka kariimka wuxuu ka hadlay marxalada dhalinyarnimada inay tahay marxalad awood oo u dhexeysa labo marxaladood oo tabaryari ah, tabaryarida ilmanimada iyo tabaryarida duqnimada, wuxuu yiri Alle:

{اللَّهُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ ضَعْفٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنْ بَعْدِ ضَعْفٍ قُوَّةً ثُمَّ جَعَلَ مِنْ بَعْدِ قُوَّةٍ ضَعْفًا وَشَيْبَةً}

(Alle waa kan idin ka abuuray tabaryari, haddana idinka yeelay tabaryari kadib xoog, haddana xoog dabadii idinka yeelay tabaryari iyo gabow).

wuxuu yiri Alle asoo ka sheekaynaya nabi Yuusuf – nabadgelyo korkiisa ha haatee -:

{وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُ آتَيْنَاهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَكَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ}

(Markuu gaaray xooggiisa ayaan siinnay xukun iyo cilmi saasaana ku Abaalmarinaa samafalayaasha), wuxuu yiri asoo ka hadlaya sayidkeena Muusa – nabadgelyo korkiisa ha haatee -:

{وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُ وَاسْتَوَى آتَيْنَاهُ حُكْمًا وَعِلْمًا  وَكَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ}

(Markuu gaaray xooggiisa oo ekaaday ayaan siinnay xukun iyo cilmi, saasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha).

Waa kanaa nabigii Ilaahay Muusa – nabadgelyo korkiisa ha haatee – asoo ku sugan horraanta dhalinyarnimadiisa iyo awooddiisa iyo amaanadiisa oo keentay inay ka hadasho gabadhii uu dhalay ninkii suubanaa, siduu Quraanka ku sheegay oraahda Alle:

{قَالَتْ إِحْدَاهُمَا يَا أَبَتِ اسْتَأْجِرْهُ إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ الْقَوِيُّ الْأَمِينُ}

(Waxayna tiri middood aabbow noo ijaar, illeen waxaa u khayr roon cid la ijaarto mid xoog badan oo aamin ah)

waa kanaa nabi Ibraahiim – nabadgelyo korkiisa ha haatee – oo ka hortagay kuwa sanamyada caabudayay asoo dhalinyar ah, wuxuu yiri Alle:

{قَالُوا سَمِعْنَا فَتًى يَذْكُرُهُمْ يُقَالُ لَهُ إِبْرَاهِيمُ}

(Waxayna dheheen waxaan maqalnay wiil sheegaya lana dhaho Ibraahim).

Wuxuu yiri Ibnu Cabbaas -Ilaahay raalli haka noqdee -: (Ilaahay nabi masoo dirin asoo dhalinyar ah mooyee, caalimna cilmi lama siinin asoo dhalinyar ah mooyee),

Sidoo kale Quraanka wuxuu tilmaamay caqliga iyo maskaxda nabi Sulaymaan asoo dhalinyar ah, wuxuu yiri:

{فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ وَكُلًّا آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا}

(Waxaanna fahansiinnay sulaymaan, dhammaanna waxaan siinay xukun iyo cilmi).

Wuxuu la hadlay Alle sayidkeena Yaxye – nabadgelyo korkiisa ha haatee – si uu ugu istaago amaanada cilmiga iyo culeyska dacwada qaab xoog iyo go’aanka dhalinyarnimada leh, wuxuu yiri Alle:

{يَا يَحْيَى خُذِ الْكِتَابَ بِقُوَّةٍ وَآتَيْنَاهُ الْحُكْمَ صَبِيًّا}

(Yaxyow ku qaado kitaabka xoog (dadaal) waxaan siinnay xukun isagoo yar).

Dhalinyarnimada waa lays weyddiin doonaa, wuxuu yiri rasuulka:

(لنْ تَزُولَ قَدَما عبدٍ يومَ القيامةِ حتى يُسْأَلَ عن أَرْبَعِ خِصالٍ ؛ عن عُمُرِهِ فيمَ أَفْناهُ؟ وعَنْ شَبابِه فيمَ أَبْلاهُ؟ وعَن مالِهِ من أين اكْتَسَبَهُ ، وفيمَ أنْفَقَهُ؟ وعَنْ علمِهِ ماذا عمِلَ فيهِ؟)

(Addoonka labadiisa cagood ma suulayaan maalinta qiyaame ilaa laga weyddiiyo afar waxyaabood: cimrigiisa muxuu ku dhammeeyay? Dhalinyarnimadiisa muxuu ku baabi’iyay? hantidiisa intuu ka keenay xaggee buuna ku bixiyay? Aqoontiisa muxuu ku sameeyay?).

, wuxuu yiri Alle:

{وَإِذْ قَالَ لُقْمَانُ لِابْنِهِ وَهُوَ يَعِظُهُ يَا بُنَيَّ لَا تُشْرِكْ بِاللَّهِ إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ }

(Xusuuso markuu ku yiri Luqmaan wiilkiisa isagoo waanin wiilkayow Alle hala wadaajinin, shirkigu waa dulmi weyne)

Wuxuu yiri Alle subxaanahu:

{يَا بُنَيَّ إِنَّهَا إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ فَتَكُن فِي صَخْرَةٍ أَوْ فِي السَّمَاوَاتِ أَوْ فِي الْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا اللَّهُ إِنَّ اللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ * يَا بُنَيَّ أَقِمِ الصَّلَاةَ وَأْمُرْ بِالْمَعْرُوفِ وَانْهَ عَنِ الْمُنكَرِ وَاصْبِرْ عَلَى مَا أَصَابَكَ إِنَّ ذَلِكَ مِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ * وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِي الْأَرْضِ مَرَحًا إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ * وَاقْصِدْ فِي مَشْيِكَ وَاغْضُضْ مِن صَوْتِكَ إِنَّ أَنكَرَ الْأَصْوَاتِ لَصَوْتُ الْحَمِيرِ}

(Wiilkayow hadday xumaantu tahay xabbad khardal ah oo kale (wax yar) oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama dhulka dhexdiisa wuu keeni Alle, Ilaahayna waa oge xeeldheer * Wiilkayow oog salaadda, oo far waanaagga oo reeb waxa la naco kuna samir waxa ku gaara, arrintaasu waxay ka mid tahay umuuraha wanaagsane * Hana ka jeedin wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Alle ma jecla mid kastoo islaweyn oo faan badan * socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig codkaaga, cod waxaa ugu xun codka dameerahee).

waxaa laga wariyay Ibnu Cabbaas -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri: maalin ayaan nabiga gadaashiisa saarnaa wuxuu yiri:

(يَا غُلاَمُ ، إِنِّي أُعَلِّمُكَ كَلِمَاتٍ ؛ احْفَظِ اللَّهَ يَحْفَظْكَ ، احْفَظِ اللَّهَ تَجِدْهُ تُجَاهَكَ ، إِذَا سَأَلْتَ فَاسْأَلِ اللَّهَ ، وَإِذَا اسْتَعَنْتَ فَاسْتَعِنْ بِاللَّهِ ، وَاعْلَمْ أَنَّ الأُمَّةَ لَوْ اجْتَمَعَتْ عَلَى أَنْ يَنْفَعُوكَ بِشَيْءٍ لَمْ يَنْفَعُوكَ إِلاَّ بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ لَكَ ، وَلَوْ اجْتَمَعُوا عَلَى أَنْ يَضُرُّوكَ بِشَيْءٍ لَمْ يَضُرُّوكَ إِلاَّ بِشَيْءٍ قَدْ كَتَبَهُ اللَّهُ عَلَيْكَ، رُفِعَتِ الأَقْلاَمُ وَجَفَّتْ الصُّحُفُ)

(Yarow waxaan ku barayaa ereyo, Ilaali waajibaadka Alle, wuu ku ilaalin, Ilaali Alle hortaada aad ka heshidee, markaad wax weyddiinayso Alle weyddiiso, markaad kaalmo rabto Alle kaalmeyso, ogow hadday umadda u kulmaan si ay wax kugu taraan kuuma tari karaan wax Alle kuu qoray mooyee, hadday u kulmaan inay ku dhibaan kuguma dhibi karaan wax Alle kuu qoray mooye, qalimaanta waa la qaaday warqadahana way qallaleen).

Cumar bin Alkhaddaab -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu ugu yeeri jiray golihiisa dhalinyarada kuwaasoo ag fariisanaya odeyaasha, wuu kala tashan jiray arrimaha oo dhan, wuxuu  dhihi jiray: (midkiina yayna ka reebin yaraanta da’diisa inuu ra’yi dad kula taliyo, aqoonta kuma xirna da’ yarida iyo weynidaba ee Alle meeshuu doono ayuu dhigaa) golihiisa dhaliyar ayaa ku sugnaa waxaa ugu horreeyay Cabdullaahi bin cabbaas oo Cumar yiri asoo ka hadlaya: “wuxuu leeyahay carrab su’aal badan iyo qalbi caqli badan“.

dhalinyarada waxay u baahan yihiin aqoon iyo cilmi in la baro

Ilaahay ma farin nabigiisa in wax la siyaadsado oon cilmiga ahayn wuxuu leeyahay Alle asoo la hadlaya nabigiisa:

{وَقُلْ رَبِّ زِدْنِي عِلْمًا}

(Dheh rabbiyow ii kordhi cilmi).

wuxuu leeyahay Alle:

{وَلَا تَمْشِ فِي الْأَرْضِ مَرَحًا إِنَّكَ لَن تَخْرِقَ الْأَرْضَ وَلَن تَبْلُغَ الْجِبَالَ طُولً}

(Hana ugu soconin dhulka kibir illeen ma jeexi kartid dhulka kumana gaaraysid buuraha dherere)

Wuxuu leeyahay nabigeena:

(ثَلاثٌ مُهْلِكَاتٍ: شُحٌّ مُطَاعٌ، وَهَوًى مُتَّبَعٌ، وَإِعْجَابُ الْمَرْءِ بِرَأْيِهِ)

(Seddex waxbay halaagaan: bakhaylnimo oo loo hoggaansamo iyo hawo la raaco iyo  qofka aragtidiisa inuu la dhaco).

Exit mobile version