(لنْ تَزُولَ قَدَما عبدٍ يومَ القيامةِ حتى يُسْأَلَ عن أَرْبَعِ خِصالٍ ؛ عن عُمُرِهِ فيمَ أَفْناهُ؟ وعَنْ شَبابِه فيمَ أَبْلاهُ؟ وعَن مالِهِ من أين اكْتَسَبَهُ ، وفيمَ أنْفَقَهُ؟ وعَنْ علمِهِ ماذا عمِلَ فيهِ؟)
(Addoonka labadiisa cagood ma suulayaan maalinta qiyaame ilaa laga weyddiiyo afar waxyaabood: cimrigiisa muxuu ku dhammeeyay? Dhalinyarnimadiisa muxuu ku baabi’iyay? hantidiisa intuu ka keenay xaggee buuna ku bixiyay? Aqoontiisa muxuu ku sameeyay?).
(Wiilkayow hadday xumaantu tahay xabbad khardal ah oo kale (wax yar) oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama dhulka dhexdiisa wuu keeni Alle, Ilaahayna waa oge xeeldheer * Wiilkayow oog salaadda, oo far waanaagga oo reeb waxa la naco kuna samir waxa ku gaara, arrintaasu waxay ka mid tahay umuuraha wanaagsane * Hana ka jeedin wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Alle ma jecla mid kastoo islaweyn oo faan badan * socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig codkaaga, cod waxaa ugu xun codka dameerahee).
waxaa laga wariyay Ibnu Cabbaas -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu yiri: maalin ayaan nabiga gadaashiisa saarnaa wuxuu yiri:
(Yarow waxaan ku barayaa ereyo, Ilaali waajibaadka Alle, wuu ku ilaalin, Ilaali Alle hortaada aad ka heshidee, markaad wax weyddiinayso Alle weyddiiso, markaad kaalmo rabto Alle kaalmeyso, ogow hadday umadda u kulmaan si ay wax kugu taraan kuuma tari karaan wax Alle kuu qoray mooyee, hadday u kulmaan inay ku dhibaan kuguma dhibi karaan wax Alle kuu qoray mooye, qalimaanta waa la qaaday warqadahana way qallaleen).
Cumar bin Alkhaddaab -Ilaahay raalli haka noqdee – wuxuu ugu yeeri jiray golihiisa dhalinyarada kuwaasoo ag fariisanaya odeyaasha, wuu kala tashan jiray arrimaha oo dhan, wuxuu dhihi jiray: (midkiina yayna ka reebin yaraanta da’diisa inuu ra’yi dad kula taliyo, aqoonta kuma xirna da’ yarida iyo weynidaba ee Alle meeshuu doono ayuu dhigaa) golihiisa dhaliyar ayaa ku sugnaa waxaa ugu horreeyay Cabdullaahi bin cabbaas oo Cumar yiri asoo ka hadlaya: “wuxuu leeyahay carrab su’aal badan iyo qalbi caqli badan“.
dhalinyarada waxay u baahan yihiin aqoon iyo cilmi in la baro
Ilaahay ma farin nabigiisa in wax la siyaadsado oon cilmiga ahayn wuxuu leeyahay Alle asoo la hadlaya nabigiisa: