Hurdo iyo caajis ayaan dareemaa marka ninkayga raaxo rabo

Su’aasha:

Asc walaalyal magcayga waa mariza suasheyda waxay tahay waxaan dareema hurdo iyo caajis Faro badan iyo xanaaq marka zowjkeyga idoono ama aanka dareemo inu rabo galmo
Balse kahor waxan ahay qof nashaad ah firfircoon sheekenayo xata marku iska kee dhaafo waxan ahay qof nashaad San
Marka waxaan garan waaye ma arin cafimaadka la xiriirta mase waa wax kale mahadsanid.

Hurdo iyo caajis ayaan dareemaa marka ninkayga raaxo rabo
Hurdo iyo caajis ayaan dareemaa marka ninkayga raaxo rabo

Jawaabta:

Arrinta aad sheegtay waxay u noqon kartaa labo arrimood midokkda:

Arrinta koowaad, in aadan ninkaaga ku qanacsanayn oo uu yahay nin aadan ka helin guurkiisa ay dan kuu geeysay, taasna nafta ayay kasoo fulaysaa waxay ku xiran tahay nacayb iyo jacayl.

Caadi ahaan qofka waxa uu jecel yahay kama daalo nashaadna wuu u haynayaa, laakin waxa uu neceb yahay markuu qabanayo caajis iyo ciriiri ayuu dareemayaa.

Arrnita labaad waxaa laga yaabaa inuu jiro sixir oo ah sixirka lagu kala geeyo ninka iyo xaaskiisa, taas waa haddii aad jeceshay oodan sababta ogayn.

Marka si kaste ha ahaatee waxaa lagaa rabaa maadaama uu ninkaaga yahay inaad ku dadaasho noloshiisa iyo raaxadiisa.

Teedada kale adkaarta akhriso oo Ilaahay ka magangal sharta shaydaanka oo isku dayay gurigiina inuu kala daadiyo.

Dumarka iyo ragga marka isguursadaan waxaa loo baahan yahay inaysan oggolaanin dadka soo dhexgalaya noloshooda gaarka.

siyaado iyo faahfaahin dheeraad kusaabsan mowduucan

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More