Hubka dowladda Turkey ay soo bandhigtay
Sawirkan wax yar ka hor ayaa lagu faafiyay maanta wakaaladaha wararka caalamka, waxaa ka muuqda sawirka madaxweynaha turkiga Rajab Dayib Erdogan oo lagu tiriyo madaxda dunida ugu saameynta badan waqtiga hadda la joogo.
Waxaa safan madaxweynaha gadaashiisa gantaallo iyo bambooyin ay Turkey samaysay sanadahan dambe, wuxuu ula jeedaa madaxweynaha Turkiga sawirkan Turkey inay ka kaaftoontay reer galbeedka oo iyada ay samaysan doonto hubkeeda.
Shaki kama taagna sawirkan dowlado badan reer galbeed ah ayuu leeb ku taagi doonaa wuxuuna soo xusuusin doonaa awoodda ay lahayd Turkey marka ay khilaafada Cusmaaniyada ay taagnayd.
Bariga yurub oo dhan waa laga baqi jiray Turkey iyadaana ugu xoog badnayd.
Khilaafadaas waxaa la riday 1923 waxaa soo dhow 2023 oo boqol sano ay u dhamaanayso inaty dhacsan tahay.
الرئيس التركي رجب طيب أردوغان يشارك في افتتاح منشأة لتصنيع الذخائر في شركة الصناعات الميكانيكية والكيميائية التركية (MKEK) pic.twitter.com/Z2MfO329ED
— TRT عربي (@TRTArabi) April 29, 2021