Site icon Daruur درور

Haddii soon badan laygu leeyahay kafaaro ma bixin karaa

Haddii soon badan laygu leeyahay kafaaro ma bixin karaa

Su’aasha:

Haddii soon badan laygu leeyahay ana rabo inan kafaro sameyo Soonka OO aad ubadan owgii madaama aan markasta maskiin qudiin karin lakin aan lacag leeyahay Soonkana ifuduud yahay maqadan kara shardiga laabad ee soonka ah 3da Malin
Mida kale la qasaba in aan xiririyo seddexda malin.

Haddii soon badan laygu leeyahay kafaaro ma bixin karaa
Haddii soon badan laygu leeyahay kafaaro ma bixin karaa

Jawaabta:

Haddii lagugu leeyahay soon badan waxaa lagaa rabaa inaad soo qalayso oo aad soo guddo shardina ma aha inay isla xiriiraan maalmaha, haddii aadan awoodin cudur ama wax kale joogto ah kaa reebayo markaas kafaaro ayaad ka bixin kartaa maalin kaste laguugu leeyahay, kaas waa soonka waajibka ah.
Soonka kafaarada dhaarta kaas shardi ma aha inaad isku xijiso, soonkana waa ugu dambeeyaa, waxaa ka horreysa quudinta ama arradbixinta ama qoor xoreynta.

Wuxuu yiri Alle:

ا يُؤَاخِذُكُمُ اللَّهُ بِاللَّغْوِ فِي أَيْمَانِكُمْ وَلَٰكِن يُؤَاخِذُكُم بِمَا عَقَّدتُّمُ الْأَيْمَانَ ۖ فَكَفَّارَتُهُ إِطْعَامُ عَشَرَةِ مَسَاكِينَ مِنْ أَوْسَطِ مَا تُطْعِمُونَ أَهْلِيكُمْ أَوْ كِسْوَتُهُمْ أَوْ تَحْرِيرُ رَقَبَةٍ ۖ فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ ثَلَاثَةِ أَيَّامٍ ۚ ذَٰلِكَ كَفَّارَةُ أَيْمَانِكُمْ إِذَا حَلَفْتُمْ ۚ وَاحْفَظُوا أَيْمَانَكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ)

(Eebe Idiin ma Qabto Dhaar Danla’aaneed (Laqwi) Laakin wuxuu idiin qaban Dhartaad u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood, Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna Saasuuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna Mudan tihiin inaad ku Mahdisaan)

 

 

Shardi adag qofkii galo oo gudi waayo maxaa laga rabaa

Exit mobile version