Site icon Daruur درور

Guurka ilmaha yaryar maxaa keeno

Su’aasha:

Wll waxaan layaabay dhalinyarada soomaaliyeed meel walba waxay la joogaan qooq iyo jinsi wax la dhaho
Waxaad arkaysaa ilmo yar yar oo is guursanaayo baahi galmo ayay ayaga dhan qabaan arintaas maxaa kalifay

Aniga hada waxaan jiraa 20 sano hadana naag uma baahni saaxib uma baahni oo naagaha is xayay siinaayo in aan laguursan ayaa fiican
Uma baahni marka dhalinyarada 15 jirada iyo 16 jirada qooqan oo isqaba maxaa kaqaldan wll mcn

Guurka ilmaha yaryar maxaa keeno
Guurka ilmaha yaryar maxaa keeno

Jawaabta:

Qofka marka uu yar yahay waxaa laga rabaa inuu mustaqbalkiisa waxbarasho ku dhiso oo isu diyaariyo maamulidda qoyska, marka uu weynaado asoo aqoon leh oo qoys maamuli karo inuu guursado si uu dhalo ubad tarbiyaysan, guurkana ceeb ma aha laakin waxaa ka horreeya waxqabad iyo is diyaarin, marka aan usoo laabto adiga waxa aad ka aaminsan tahay waad ku qaldan tahay oo ah inaadan u baahnayn guur taas waa cudur nafsi adiga ku hayo, waxaa kugu fiican inaad guursato marka aad gaarto xiliga guurka adoona mas’uuliyad qaadi karo oo maamuli karo xaaska iyo caruurta aad dhali doonto.

Teeda kale ilmo yaryar inay is guursadaan waxay u laabanaysaa dhaqanka dalka iyo dadka , maxaayeelay soomaalida noloshooda waxay ku dhisan tahay shaxaad iyo iskorfuul, waxaad arkaysaa qof waxba aan haysanin oo naag guursanayo oo shaxaad u raadinaya ilmihiisa taas sharaf ma aha waxaa keenay jahli iyo dhaqanxumi.

Exit mobile version