Guri wada quraaradoo aad u dheer ayaan ku riyooday Riyooyinka - Dreams By Su'aalaha On May 3, 2021 341 0 Su’aasha: Asc waadku mahadsantihiin marwalba waxaan ku riyooday anigoo jooga guri aad u dheer oo dabaqyo ah makhsin waynoo kamida aniga iyo laba gabdhood oo qurux badan iyo aniga iyo wiil aanu sxbo nahay waanu sheekaysanaynay anagoo faraxsan waan kacay waxaan istaagay daaqadoo ahayd muraayad waxaan arkay dhulkii aad nooga hooseeya yaabay suu u dheeraa kabacdi waxaa soo istaagtay daaqadii oo xaga dibada ah hooyaday oo masaxaysa daaqada waansalaamay ma Aqaano hooyaday waxay ku taagnayd sidii oo ay dhulka socoto ayay u socotay meeshaa dheer Allah mahadle. Guri wada quraaradoo aad u dheer ayaan ku riyooday Jawaabta: Riyada waxay tilmaamaysaa himada aad leedahay iyo waxa aad ka fikirayso, mustqabal iyo nolol fiican, guriga dheer wuxuu astaan u yahay raadinta mustaqbalka iyo nolosha fiican, sidoo kale hooyada waxay astaan u noqon kartaa xaaladda aad ku sugan tahay. Guud ahaan riyada waa riyo tilmaamayso himada kugu jirto iyo raadinta aad raadinayso mustaqbalka fiican. Riyada DabaqaRiyada GurigaRiyada Hooyada 0 341 Share