Caabuqa ciridka qaabka dabiiciga loo daaweyn karo
Su’aasha:
Asc wll waxa iheysta caqabad caafimad ilko xanun ama cabuqa ciridka ama ciridka waxn tagy 4 dhatar midkasto I eega waxba maqabn ilkahagu ayey igu jawabn ugu yarn kuwo dawo iso qora iyo kuwo meydha ilkabaha ,lkin ilkuhu ma joojiyan cuncunka iyo iney ka durken boskodii ,dhaqatiirtu waxy igula talisay inan nadafada ilkaha aad u ilaaliyo wll adbn u ilaliya u nadiifiya hada waxba iskama bedelin ,malinba inba durkeysa kolba qeyba intey I cuncunto durkeysa hada qeybta kle ,wll maxa xala sameya burushkana sificn aya ugu cadeyda warwar iyo dhibey igu hayan akhirkna wey so dhacayan akhirkna mxa laga hortaga cafimadka uso celiya , majirta ilko caradu ,somalida utaqan ilko caro ,mana tahy hido , ama ilko xanunka juines manoqonkara hido laga dhexlo walidka ,ma jirta sabab kle oo ciridka inu bukido sababi karta oo uu durko wallhi wll walwal dhib iga heysta talo isosoii mahadsanidin.

Jawaabta:
Caabuqa cirridka oo la dhaho yirid sababo badan ayaa keeni kara waxaa ka mid ah isbadalada hormoonada jirka qofka marka uu soo qaangaarayo ama naagta markay uur qaaddo ama marka dhiigga ka dhamaado ama xiliga dhiiga caadada uu soo dhow yahay, waxaas oo dhan sabab ayay u noqon karaan in cirridka bukado, waxaa kaloo keeni kara jirrooyinka qaar sida sokorta oo kale ama jirrooyinka difaaca jirka hoos u dhiga, waxaa kaloo keeni kara daawooyinka qaar sida doowooyinka xasaasiyada ama elerjiga, nadaafad la’aantana way keeni kartaa iyo dhaxalka layska dhaxlayo xanuunkaas, haddii uu jiray qof qoyska ka mid ah oo qabay yiridka ama caabuqa ciridka.
Qaabka loo daaweeyo wuxuu ku xiran yahay sababaha keenay, daawada kiimikada kama hadlayo, dhakhtar kaste ayaa kuu qori kara, laakin guud ahaan waa inaad ku dadaashaada nadaafadda, waxaad sameyn kartaa arrimo dabiici ah oo sahlan haddana waxtar weyn aad ka dareemi doonto, markaad cadeysanayso waxaad ku luqluqataa biyo qandac ah oo cusbo lagu daray ugu yaraan maalintii labo jeer subaxdii markaad soo kacdo iyo habeenkii markaad seexanayso, waxaa kaloo aad marinaysaa cirridkaaga saliid qumbe marka aad dhamayso luqluqada muddo 30 daqiiqo sidaas ugu hay saliidda qumbaha afkaaga kaddib biyo caadi ah ku luqluqow geedka la dhaho aloe vera oo u eg dacarta isagana waa geed dabiici ah meel kaste ayaa laga helaa dhacaankiisa ayaad ku dhaqaysaa afka, maalmaha qaar inshaa Allaah wax weyn ayaad ka dareemi doontaa.
Dhiiga ilkaha subaxdii iyo af-urka maxaa daawo u ah

Gum disease, also known as gingivitis, can be caused by many factors, including hormonal changes in a person’s body during puberty, pregnancy, menopause, or the onset of menstruation. All of these can cause gum disease. It can also be caused by certain diseases such as diabetes or diseases that lower the body’s immune system. It can also be caused by certain medications such as allergy medications. Poor hygiene can also cause this disease, and it can also be inherited, if there was a family member who had gingivitis or gum disease.
The treatment depends on the cause, I am not talking about chemical medicine, any doctor can prescribe it for you, but in general, you should strive for hygiene, you can do simple natural things that will be very effective, when you brush your teeth, you should rinse with warm water with salt at least twice a day, in the morning when you wake up and at night when you go to bed, you should also apply coconut oil to your gums after you finish rinsing and keep the coconut oil in your mouth for 30 minutes, then rinse with normal water. Aloe vera, which looks like a cactus, is a natural plant that can be found everywhere, and its juice can be used to rinse your mouth. Insha Allah, you will feel great in some days.
