Site icon Daruur درور

Gabar xaas ah oo hurdo iyo caajis ka bixi la’

Su’aasha:

scw hurdo badan iyo caajis ayaan isku arkay waxan ahay xaas da’dayda waa 27 sano jir hurdada igamaba harto habeen iyo maalin wax shaqo guriga kuma qaban karo maxaa la dhihi kara ma cudur baa mise wax kale aya i haya.

Gabar xaas ah oo hurdo iyo caajis ka bixi la'
Gabar xaas ah oo hurdo iyo caajis ka bixi la’

Jawaabta:

Hurdada iyo caajiska sababo badan ayaa keeni kara waxaa dhici karta haddaad isticmaasho daawooyinka qaar waxaa laga yaabaa inay kugu reebaan saameys, waxaa kaloo laga yaabaa cuntada aad cuneyso nooca ay tahay iyadana saameys ayay kugu yeelan kartaa, waxay u noqon kartaa arrintaas sidoo kale nafsiyaad aad gudaha ka dareemayso, waxaa kugu habboon inaad waqti gaar siiso hurada aadna iska yareyso waxyaalaha laga yaabo hurada inay keenaan waxaa ka mid ah dheregta badan, haddii aad sidaada kusoo noqon weyso waxaa fiican inaad dhiiga iska baarto haddii ay jiraan waxyaalo kale oo sabab u noqon kara huradada badan.

 

Caajiska ruuxa uusan waxba qabsan karin ma cudur nafsi ahbaa

Exit mobile version