Site icon Daruur درور

Gabar ku riyooneyso ayadoo meel aroos lee joogto marwalba

Su’aasha:

Asc Daruur waan idin salaamay. Salaan kadib gabar ila dhalatay ayaa marwalba waxaay ku riyootaa ayadoo meel aroos joogto xaflad, goob ama hool aroos. Fasir keeda muxuu noqon karaa. Mahadsanidiin.

Gabar ku riyooneyso ayadoo meel aroos lee joogto marwalba
Gabar ku riyooneyso ayadoo meel aroos lee joogto marwalba

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa gabadha inay heli doonto nolol ka duwan nolosheeda oo farxad iyo wanaag badan leh, gabadha aan la guursanin markay arkayso aroos iyadoo tagayso waa riyo fiican oo tilmaamaysa nolosheeda mustaqbalka farxad iyo isbadal xagga adduunka.

Teeda kale riyada marka ay soo noqnoqonayso waxay tilmaamaysaa inay tahay riyo run ah oo furmi doonto.

Exit mobile version