Waa sheeko cajiib ah oo tilmaamaysa jacaylka inuu u baahan yahay qofka inuu ciribta dambe arrimaha ka eego.

Waxaa jirtay gabar ka dhalatay qabiil caan ka ah soomaaliya.
Waa qabiil lagu tiriyo dadka ugu awoodda badan oo ugu hantida badan soomaaliya.
Waad iska garan karaa !!
Gabadhaas aabbaheeda wuxuu ahaa nin akhyaar ah oo laga yaqaano magaalada uu degganaa.
Gabadhiisa waxay dhigan jirtay dugsiga sare.
gabadhiisa waxay baratay wiil ka dhashay beesha jareer weyne.
Wiilka wuxuu ahaa nin edeb badan oo aqoon leh oo deggan.
Wiilka waxaa la oran jiray Jeylaani gabadhana waxaa la dhihi jiray Raxmo.
Wiilka wuxuu mararka qaar ka caawin jiray gabadha casharrada dugsi laga bixiyo.

Gabar jileec oo wiil jareer jeclaatay laakin ka diiday jacaylkaas
Gabar jileec oo wiil jareer jeclaatay laakin ka diiday jacaylkaas

Wuxuu ahaa nin caqli badan oo deggan.
Gabadha wiilka ayay jeclaatay.
Laakin waxba uma sheegin.
Marka jeceylkeeda siyaaday ayay maalin waxay ku tiri.
Jeelaaniyow adiga waligaa jacayl makusoo maray?
Wuxuu yiri jeylaani. maya .
Waligey naag ma jeclaanin. Aniga waxaan ka fikiraa kaliya waxbarashada.
Waxay ku tiri. Ka warran aniga haddaan jeclahay nin oo isagana aan ogeyn?
Jeelaani wuxuu yiri haddii aad jeceshay nin waxaa fiican inaad u bandhigato jacaylkaaga. illeen jacaylka guur baa ka dambeeyee !!
Waxay tiri adiga ayaan ku jeclahay !!
Jeylaani fadhiga ayuu ka kacay asoo yaabban !!
Wuxuu yiri . maxaad leedahay !! asoo yaabban ayuu yir. Bal kusoo celi maxaad leedahay ?
Waxay tiri kaftan ma aha adiga ayaan ku jeclahay?
Wuxuu yiri abbaayo waxaad ka hadlaysaa wax aan suurtagali karin.
Ma waxaad rabtaa inay I garaacaan walaalahaaga ?!
Waxay tiri. Maya aniga runta markaan kuu sheego muddo kahor ayaan ku jeclaaday laakin inaan kuu sheego waan ka baqayay?
Jeylaani wuxuu yiri. abbaayo halkan warka noogu jooji !!
Wuu kasoo tagay.
Raxmo way yaabtay wiilkan oo jareerka ah oo diiddan gabar jileec usoo bandhigayso jacaylkeeda !!
Meesha ayay kusoo kala tageen.
Maalinta ku xigtay asoo kasoo baxay iskuulka ayay u timid waxay ku tiri maxaad shalay iiga carartay?
Wuxuu yiri abbaayo ma rabo aniga wax dhib ah !!
Waad og tahay jacaylkaan wixii ka dambeeyo.
Wuxuu yiri: aniga iyo adiga walaaltinnimada ayaa naga dhexeyso.
Jacayl iyo guur nagama dhexeeyaan !!
Raxmo way ka xanaaqday waxay ku tiri saan kuuma malaynaynin waayo nin fuley ayaad tahay.
Qofka aad jeceshay wax walbo ayaa loo sameeyaa. Jecaylkaagana waa la difaacaa.
Wuxuu yiri: abbaayo aniga haddaan kugu raaco jacaylka waxaan ogahay dhibka iiga imaan karo. sidaa awgeed dhibkaas inaan isku soo jiido ma rabo.
Ee nabadgalyada waxay ku jirtaa inaan kala fogaano.
Jeylaani meesha ayuu ku gooyay xiriirka gabadhaas?
Sidaas ayay ku kala tageen labadooda.

Xiriirka jacaylka ayan ku wareeray

 

There was a girl from a famous clan in Somalia.
It is a clan that is considered the most powerful and wealthy in Somalia.
You can guess it!!
That girl’s father was a well-known man in the city where he lived.
His daughter was in high school.
His daughter was studying with a boy from the Jarer Weyne clan.
The boy was a well-mannered, educated, and calm man.
The boy was called Jeylaani and the girl was called Rahmo.
The boy sometimes helped the girl with her schoolwork.
He was a smart, calm man.
The girl fell in love with the boy.
But she didn’t tell him anything.
When her love grew, one day she said to him.
Jeylaani, have you never been in love?
He said Jeylaani. No.
I have never loved a woman. I only think about my education.
She said. What if I love a man and he doesn’t know?
Jeelaani said if you love a man it’s better to show him your love. Because love is the end of marriage!!
She said I love you!!
Jeelaani got up from the chair, surprised!!
He said. what are you saying!! he said surprised. Tell me what you’re saying?
She said, “Isn’t it a joke? I love you?”
He said, “Father, you are talking about something impossible.
Do you want your brothers to beat me?!” She said. “No, I told you the truth, I loved you a long time ago, but I was afraid to tell you?” Jeylaani said. “dear, stop telling us the news here!”
He left.
Rahmo was surprised by this young man who refused to show his love to a young girl!!
They parted ways on the spot.
The next day, she came to him after school and said, “Why did you run away from me yesterday?”
He said, “dear, I don’t want any trouble for me!”
You know what happens after this love.
He said, “There is brotherhood between you and me.”
Love and marriage are not between us!
Rahmo got angry and said, “I didn’t think of you because you are a coward.”
You do anything for the person you love. Your love is protected.
He said: dear, if I go with you in love, I know the trouble that can come to me. So I don’t want to drag myself into that trouble.
But peace lies in keeping us apart.
Did Jeylani break off relations with that girl there?
That’s how the two of them parted ways.

Leave a Reply