Asc walaalaha webka waxaad i fasirtaan riyo waqti aan xaas ahaan jirey lakiin hada waan kala tagnay baa gabar aan eddo uhay waxay ku riyootay anoo uu i soo doonayo nin gaari cad wata waliba 2 jeer wiil gabadhaas la dhashay isna sidoo kale buu ku riyooday.
Jawaabta:
Riyada naagta la qabo oo lasoo doonanayo iyadoo la qabo waxay tilmaamaysaa inay ninkeeda ka mashquuli doonto oo aduun ay ku mashquuli doonto ama ay nolol kale gali doonto oo ay mustqabal ku raadsanayso, waxaa kaloo ay tusinaysaa riyadaas ninkeeda inuu gali doono xaalad lacag la’aan ah ama uu khasaari doono hanti ama ganacsi ama wax kale, taasoo saamayn doonto nolosha uu xaaskiisa kula nool yahay, oo ay keeni karto iyada iyo ninkeeda inay kala tagaan oo ay is furaan.
Haddii riyada la arkay iyadoo garoob ah fasirkeeda wuu is badalayaa wuxuu noqonayaa nolol kale inay nin kale la wadaagi doonto.