Site icon Daruur درور

Gabar abti dhalay ayaan qabaa ilmaha dhib ma u keenaa guurkaas

Su’aasha:

asc waxan ahay nin dhalin yaro ah anigo da.a yar ayaa hooyo gabar abti dhalay igu dartay waan aqbalay alx caruura ilahey na siiyay iyo wax walbo wanaag ah qoys dhisan oo wanaagsan ayaa naqanay mar dambe ayaan ogaaday xag caafimaad ahaan in uusan wanaagsaneyn dad ka hadlaayo oo dhahayo saameyn ayuu ku yeeshaa caruurta caafimaadkoda iyo caqligoda guurka qaraabada ani lkn alx caruurteyda way caafimaad qabaan marka waan walwalsanahay.

Gabar abti dhalay ayaan qabaa ilmaha dhib ma u keenaa guurkaas
Gabar abti dhalay ayaan qabaa ilmaha dhib ma u keenaa guurkaas

Jawaabta:

Guurka qaraabada sida ina adeerta iwm. waa caadi kaliya wuxuu halis yahay marka cudur dhaxal ah uu ka jiro familka, taas waxaa laga ogaan karaa waalidka gabadha ama wiilka, haddii cudur dhaxal uusan jirin wax dhib ma laha, balse mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu ka fiican yahay guurka dadka kale, siiba marka qaraabada ay wataan sifooyin aad u fiican.
Cali bin Abii Daalib (RC) wuxuu qabay Faatima (RC) nabiga (SCW) gabadiisa waxayna u dhashay ilmo aad u fiifiican waana Xasan iyo Xuseen, waxay ku dhasheen guurka qaraabada, maxaayelay Cali waxaa dhalay nabiga adeerkiisa, sidoo kale dad badan ayaa jira sidaas ah wax dhibna ma aysan arkin.
Marka waxba haka walwalin.

Exit mobile version