Asc walal waxan ahy gabar 19 jir ah wax ayan barta xiligan guur diyaar uma ihi Waxan jeclahay inan guursado hadana waalidkayga waxay ii leyihin waxbarashada dhame waxa ii dhiman 2sano aniga ma sugi karo wayo dareen ahan Ayaan uu badanahay tankale marka qof lab ah la sheekeysto ano xalad adag ku jiro ayan kabaxa telefonka waxan ahay qof dhawrsan gurigayga kama baxo marka Sowj xalal ah ayan jeclan laha maxad igula talin lahayden tankale maxa sabaab uu ah marka qof lab la sheekeysto anigo dhan waa is badala xoog ayan u dareema.
Jawaabta:
Talada ugu fiican lagu siin karo waa inaad ka fogaataa sheekada raga iyo daawashada waxyaalaha ku kicin kara, sidoo kale in aad salaadda iyo soonka aad badsato iyo Quraan akhriska, shawada oo dhan iska ilaali, cuntada intaad karto iska yareey, taas ayaad uga bixi kartaa kacsiga daran oo kugu ridi karo meel xun.
Sidoo kale ku dadaal inaad hesho nin kugu jecel waxbarashada oo kuu oggol inaad wax sii barato, maxaayeelay guurka iyo waxbarashada isma diidaan, qofka wuu isku wadi karaa.
Gabdhaha xiligan waa xiliga ay ugu kacsi badan yihiin sidoo kale waa xiliga la siri karo, hadalka macaan waxay u malaynayaan mustaqbal weyn inay heleen, marka waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso wiilasha iyo raga laga yaabo inay dumarka ku ridaan godka shahwada, marka ay ku raaxaystaan jidka ayay uga tagaan, imisa gabar sidaas lagu sameeyay oo lagu cayaaray.
Marka waxaa lagaa rabaa inaad ku cibaraqaadato haweenka sidaas loo galay oo ceeb iyo xumaan ku dhacay, diintaada ilaalso sumacadaada ilaalso.