Sheekadan waxay ku tusaysaa qofka aad soo dhoweysato inuu ku burburin karo waliba qofka aad ixsaanka u samayso ayaa ugu daran.
Gabar ayaa ka sheekaynayso gabar kale saaxiibteeda ahayd oo si xun u khayaantay, waxay ku samaysay arrin aad u xun.
Sheekada aan ka maqalno gabadhaas oo magaceeda qarisay waxay tiri:
Waxaan ahaa qof qalbi wanaagsan, waxaan dhiganayay dugsiga sare, waxaan ka dhashay cid maalqabeen ah, waxaan is baranay gabar iyadana dugsiga sare dhigato, markaan is baranay waxaan noqonay sida labo walaalo oo kale.

Gabadhii sixirtay saaxiibteeda ku kalsoonayd waa qiso lagu cibraqaato
Gabadhii sixirtay saaxiibteeda ku kalsoonayd waa qiso lagu cibraqaato

Waxaan isla akhrisan jirnay buugaagta, waxaan ku caawin jiray qarash. waayo waxay ahayd gabar ka dhalatay cid sabool ah.
Gabadhaas waxaan kasoo qaaday sida gabar hooyo iyo aabbe ay dhaleen.
Saan saaxiibo u ahayn, waxaan wada dhamaynay dugsiga sare, waxaan iska qornay jaamacad ku taalla muqdisho, gabadha waxaa haystay duruufo adag, ma haysanin lacag ay jaamacadda isaga dhiibto, aniga aabbe ayaan weyddiiyay inuu siiyo qarashka ay u baahan tahay, aabbe markaan u sheegay inay saaxiibtayda qarasha u baahan tahay isla markii ayuu yiri waxay u baahan tahay oo dhan waa la siinaa, jaamacadda afarta sano anaa ka bixinayo, sidoo kale wixii bugaag ay u baahan tahay iyo shoobinkeeda anaa diyaar ula ah.
Gabadhii aad bay ugu faraxday, mar walba waxay imaan jirtay guriga saaxiibteeda, wax kastoo ay u baahan tahay waa la siin jiray.
Jaamacaddii ayaa gabagabada soo gaartay. waxay diyaariyeen buugga qalinjabinta, labadoodaba way baaseen.
Marka ay jaamacadda dhameeyeen. gabadha waxay tiri. waxaa isoo doontay wiil ku nool Maraykanka oo lacag leh,
Saaiibtayda marka aan u sheegay wejigeeda wuu isbaddalay, waxaan la yaabay arrintaas, waxaan garan waayay wax aan ku fasiro.
Waxay igu tiri: nin dibadda joogo maxaa kuu geeyay? Nimanka noocaas ah lama aamini karo.
Waxaan ku iri: wiilka I guursan rabo waa qof wanaagsan oo dad badan aan qaraabo nahay ay garanayaan.
Waxaan ka dareemay inay dhibsanayso guurkayga.
Waxay isku dayday inay ii xumeyso, waxay igu tiri adiga hadda leeba jaamacad ka baxdee guurka maxaad ugu degdegaysaa?
Teeda kale nin dibadda ku nool oo aadan si fiican u garnaynin maxaad u guursanaysaa?
Si kaste ayay isugu dayday guurkaas inay reebto.
Intaas oo dhan waxay ii muujinaysaa jacayl iyo in maslaxaddayda ay ka talinayso.
Waxaan ku iri: aniga ninkaas ballan ayaam ka qaaday, waxaan u arkaa inuu yahay nin ii qalmo, u malayn maayo nin isaga ka fiican inaan heli karo.
Marka hadalkaas aan ku iri aad ayay u xanaaqday.
Waxay igu tir: waad ka shallaayi doontaa guurkaas.
Bilooyin kaddib wiilkii ayaa soomaali yimid, maalin ayaa gurigeena lagu marti qaaday, waxaan u yeeray gabadha saaxiibtayda si aan u baro oo aan u tuso inuu yahay nin wanaagsan.
Laakin way iga diidday waxay igu tiri ma rabo inaan barto.
Waxayna diidday inay timaado martiqaadka.
Maalmo Kaddib wiilka wuxuu iga doontay waalidkeyga waana loo oggolaaday. waxaa lagu heshiiyay sannadka ku xigo in arooska lagu dhigo magaalada Muqdisho.
Saaxiibtayda markaan u sheegay waxay tiri: aniga mar hore ayaan kaaga digay ninkaas, waxaan kuu sheegayaa guurkaas inuusan kuu fiicnayn.
Maalintaas ayaan shaki ka qaaday hadalkeeda, waxaan dareemay naagtan inay xaasid igu tahay.
Laakin uma muujinin wax dareen ah, qalbiga ayaan ku qarsaday waxayga.
Marka la gaaray waqtiga arooska, waxay diidday xafladdayda inay kasoo qeybgasho, gabdhihii xaafadda igula noolaa oo dhan way kasoo qeybgaleen iyagoo farxad ka muuqato.
Mid kaste iyaga ka mid ah way ii hambalyaysay, wayna ii duceysay.
Laakin saaxibtayda maalintaas taleefanka ayay xiratay,
Xattaa waxaa la yaabay aabbahayga iyo dadka qaraabadayda waxay igu dhaheen. maxaa ku dhacay saaxiibtaada oo arooska ay u imaan waysay, waxaan iri way xanuunsan tahay, waan u ceebqariyay.
Marka arooska dhammaaday oo aniga aan ninkayga la aqalgalay. maalinta shaashsaarka ayay ii timid iyadoo aad mooddo naag laga dhintay, wejituban oo ciil iyo xanaaq ka muuqadaan.
Waxay igu tiri: abbaayo aniga waan ku jeclahay laakin guurkan ayaan u arkaa inuusan kuu fiicnayn sidaa awgeed maslaxaddaada ayaan ka fikirayaa.
Maalintaas waxay ii keentay haddiyad, dharka gudaha laga xirto ayay ii keentay.
Waxay igu tiri: dharkaan waxaan kuugu keenay caawo inaad ninkaaga ugu labisato.
Waxaan iri: waad ku mahadsan tahay?
Waan ku farxay maadaama saaxiibtayda ay mowqifkeeda ka baddashay siduu ahaa.
Laakin ma ogeyn dharkaas wuxuu watay.
Waxay ahaayeen dirac iyo gorgorad iyo kastuumo.
Habeenkii markaan xirtay oo nikayga guriga yimid waxaan dareemay madax xanuun daran.
Waxaan ku iri: caawo waxba ma samayn karo.
Wuxuu ii keenay kaniiniga madaxa, waan cabbay wax yar ayaan soo roonaaday.
Laakin dareen xanaaq ayaa isoo galay, ninkyaga maba arki karo.
Habeenkaas waan kala seexanay, subaxdii marka la gaaray, waxaan ku iri waxaan aadaa gurigeena, wuxuu igu yiri maxaa waaye isbaddalkaan? . toddobadaan maalmood aad ayaad u faraxsanayd maxaa kugu dhacay.
Waxaan ku iri: ciriiri ayaan dareemayaa, ee waxaan rabaa inaan gurigeena soo joogo dhowr maalmood.
Wuxuu iisoo kaxeeyay guriga, aabbe iyo hooyo aad ayay iila yaabeen.
Maandhaay aroos cusub ayaad tahay maxaa ku keenay guriga?
Waxaan bilaabay ciil iyo xanaaq, ninkaygana maba arki karo.
Waxaan ku iri: aniga ma rabo ninkaas.
Aabbe ayaa shakiyay wuxuu yiri: maxaa dhacay?
Aabaheeda wuxuu ahaa nin aragti dheer wuxuu yiri gabadhayda waa la sixray shaki kama taagna, laakin waa inaan ogaadaa qofka sixray.
Wuxuu ku yiri gabadhiisa. yaa wax kuu keenay maalmahaan?
Waxay tiri. dad badan ayaa haddiyado ii keenay, markaas ayuu bilaabay inuu mid mid u weyddiiyo waxa ay keeneen.
Markay u sheegtay habeenka ay dareentay madax xanuunka saaxiibteeda inay u keentay dhar, markay xiratay dharkaas ayuu nacaybka bilowday.
Aabbaha wuu dareemay. wuxuu yiri saaxiibtaada arooskaaga ma imaanin. taas waxay calaamad u tahay inay diiddanayd inaad guursato wiilkan.
Wixii dhan ayay u sheegtay, markaas ayuu yiri: iyadaa ku sixirtay laakin anaa kasoo dhalinayo.
Aabbaha maalinta kale wuxuu aaday guriga gabadhaas wuxuu watay boolis wuxuu u sheegay inuu caddeymo hayo inay iyada sixirtay gabadhiisa.
Marka loo tagay guriga oo booliska ay soo qabteen oo loo gooddiyay ayay qiratay inay iyada ka dambeyso sixirka.
Markaas ayaa lagu yiri: yaa kuu sameeyay sixirkaas.
Waa inaad noo geysaa qofkaas sixirka sameeyay.
Waxay u geysay ninkii sixirkaas sameeyay. waa lasoo qabtay wuuna qirtay. waxaa lagu yiri: waa inaad furfurtaa sixirka, markaas ayuu sixirkii furfuray.
Gabadhii xaaladdeeda way fiicanaatay. culeyskii iyo nacaybkii waa ka tagay.
Ninkii saaxirka iyo gabadhii xaasidda waa la xiray.
Marka adduunka waxaa ugu daran qofka saaxiibka kula ah haddana ku neceb.
Gabadhaan eeg waxa loo qabtay iyo sidey wax u gashay.
Dadka cadowga markay kuu dhow yihiin aad ayay kuu burburin karaan.

Zabtii lagu siray ninkii abgaalka sheeko gaaban

This story illustrates how someone you welcome into your life can destroy you—and often, it is the very person you have shown kindness to who causes the most harm.
A young woman recounts the story of a friend who betrayed her terribly, committing a truly awful act against her.
Here is the story as told by the young woman, who has chosen to remain anonymous:
I was a kind-hearted person attending high school, and I came from a wealthy family. I befriended another girl who was also in high school, and we became as close as sisters.
We used to study together, and I would help her financially because she came from a poor family.
I treated that girl just like a sister born to my own parents.
We remained friends and finished high school together, then enrolled in a university in Mogadishu. She was facing difficult circumstances and lacked the money for tuition; I asked my father to provide the funds she needed. When I told him my friend required financial help, he immediately agreed to cover everything—he said he would pay for her four years of university and provide whatever books and personal items she needed.
The girl was overjoyed; she frequently visited my home, and all her needs were met. University was drawing to a close; they had prepared their graduation projects and both passed.
After finishing university, the young woman said, “A wealthy young man living in America has come to ask for my hand in marriage.”
When I told my friend, her expression changed; I was surprised by this and couldn’t quite make sense of it.
She said to me, “Why get involved with a man living abroad? Men like that cannot be trusted.”
I replied, “The young man who wants to marry me is a good person whom many of our relatives know.”
I sensed that she was unhappy about my marriage.
She tried to discourage me, asking, “You’ve just graduated from university—why are you rushing into marriage?”
“Besides,” she added, “why marry a man living abroad whom you don’t know very well?”
She tried in every way to stop the marriage from happening.
All of this showed me her love and concern for my well-being.
I told her: “I have made a commitment to him; I see him as a man who is right for me, and I don’t think I could find anyone better.”
She became very angry when I said that.
She told me, “You will regret this marriage.”
A few months later, the young man arrived in Somalia and was invited to our home one day; I asked my friend to come over so I could introduce him to her and show her what a good man he was.
But she refused, saying she didn’t want to meet him.
She also declined the invitation entirely.
A few days later, the young man formally asked my parents for my hand in marriage, and they consented; it was agreed that the wedding would take place in Mogadishu the following year.
When I told my friend, she said, “I warned you about that man a long time ago; I am telling you, this marriage isn’t right for you.”
That was the moment I began to doubt her words; I felt that she was envious of me.
However, I didn’t show any reaction; I kept my feelings to myself. When the time for the wedding arrived, she refused to attend; meanwhile, all the girls from my neighborhood came, looking truly happy.
Each of them congratulated me and offered their blessings.
But my friend turned off her phone that day.
Even my father and relatives were puzzled and asked me what had happened to my friend—why she hadn’t come to the wedding. I told them she was sick, shielding her from embarrassment.
After the wedding concluded and I had settled into married life, she visited me on the day of the *shaash-saar* ceremony. She looked like a grieving widow—her face grim, clearly seething with resentment and anger.
She said to me, “Sister, I love you, but I don’t think this marriage is good for you; I am only thinking of your best interests.”
That day, she brought me a gift—some lingerie.
She told me, “I brought this for you to wear for your husband tonight.”
I replied, “Thank you.”
I was pleased, thinking my friend had changed her attitude.
But I had no idea what that clothing carried with it.
It consisted of a *dirac* (traditional dress), a matching slip, and underwear.
That night, after I put them on and my husband came home, I was struck by a severe headache.
I told him, “I can’t do anything tonight.”
He brought me a headache pill; I took it and felt slightly better.
However, a sudden, intense anger washed over me, and I couldn’t bear the sight of my husband.
We slept apart that night. When morning came, I told him I was going to my family’s home. He asked, “What is the reason for this change? You’ve been so happy these past seven days—what happened?”
I replied, “I’m feeling suffocated, and I want to stay at my family’s house for a few days.” He drove me home, and my parents were very surprised to see me.
“My dear, you are a new bride; what brings you home?”
I was overcome with resentment and anger; I couldn’t even bear the sight of my husband.
I told them, “I don’t want that man.”
My father grew suspicious and asked, “What happened?”
Her father was a perceptive man; he stated that there was no doubt his daughter had been bewitched, but he needed to identify the person responsible.
He asked his daughter, “Who has brought you gifts recently?”
She replied that many people had given her gifts, so he began asking her about each item one by one.
She told him that on the night she first felt the headache, a friend had brought her a garment; the feelings of hatred had begun after she wore it.
Her father realized the significance of this and noted that the friend had not attended the wedding—a sign that she had disapproved of the marriage.
She explained the whole situation to him, and he said, “She is the one who bewitched you, but I will undo it.”
The next day, the father went to that woman’s house accompanied by the police, stating that he had evidence she had cast a spell on his daughter.
When they arrived and the police detained and confronted her, she confessed to being behind the sorcery.
They then asked her, “Who performed the spell for you?”
“You must take us to the person who cast it.”
She led them to the man who had performed the magic; he was arrested and confessed. He was ordered to undo the spell, which he then did.
The daughter’s condition improved, and the heavy burden and feelings of hatred lifted. The sorcerer and the envious woman were arrested.
The worst kind of person in the world is the one who acts as your friend yet harbors hatred for you.
Look at what this woman was arrested for and how she became involved.
When enemies are close to you, they can utterly destroy you.

Leave a Reply