Site icon Daruur درور

Gabadha sifooyinka ay ninka ku raaci karto

Su’aasha:

salan iga gudoma bahda Daruur runti wax yar ma haysin webkan oo kale oo somali ah waligey ma arkin wad ku mahadsan tihin su’alaha sida fican ad ugu jawaabaysaan

su’alan aan qabaa  taas oo ah ninka shukaansiga iga rabo haduu rabo inuu ka hadlo raaxada sariirta siiba marka taleefanka uu igula hadlayo ninkaas mala dhihi karaa waa nin raaxada taleefanka u bartay oo aan daacad ahayn, waxaa kalo laga dareemaa inu lacagta ku faano raga lacagta ku fano miyay dareemayaan inaysan ahayn rag isku filan xaga caqliga iyo maskaxda, gabadha markay guursanayso maxaa la rabaa ninka inay ku doorato?

Gabadha sifooyinka ay ninka ku raaci karto
Gabadha sifooyinka ay ninka ku raaci karto

Jawaabta:

Waa lagaa qaaday salaanta fadlan webka shargareey haddii aad la dhacday, marka aan guda galo inaan ka jawaabo su’aashaada nimanka waxay dabci u leeyihiin dumarka inay hadal macaan kusoo jiitaan haddii ay ka arkaan dabacsanaan way ku tumanayaan kaddib dhulka ayay ku ridayaan.

Nin hadduu kula galo sheeko xun ama uu kaa rabo raaxada taleefanka ogow inuusan mustaqbal kaa rabin, ninka guur daacad kaa rabo wuu ku xushmaynayaa wuxuu ku dadaalayaa inuu kuu tixgaliyo sida uu u tixgaliyo walaashiisa, laakin ninka ku damcayo asoon ku qabin wuxuu kaa soo qaaday inaad tahay gabar xun oon aakhlaaq lahayn, marka waxaad qiimo leedahay marka aad naftaada ixtiraamto.

Raga lacagta ku faana iyagana waa rag dareema inay liitaan marka wuxuu muujin rabaa inuu yahay qof sarreeya, ninkaas oo kale marka aad is guursataan wuxuu kugu faanayaa hantida, sidoo kale wixii uu kuu qabtay dadka ayuu u sheegayaa haddii laysku dhaco, waligaaga iska ilaali nin lacag ku faanaya.

Raga waxaa lagu doortaa akhlaaqda aqoonta iyo diinta iyo kartida iyo sabarka, nin sifooyinkaas leh ayaa la rabaa gabadha inay guursato.

Exit mobile version